Thursday, October 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

kulan looga arinsanayey siyaasadda qaran ee isbeddelka cimilada oo Muqdisho lagu qabtay.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
kulan looga arinsanayey siyaasadda qaran ee isbeddelka cimilada oo Muqdisho lagu qabtay.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Isbedelka cimilada Waxaa lagu tiriyaa mid kamid ah dhibaatooyinka waaweyn ee dunida ka jira qarnigaan, Soomaaliya oo kamid ah dalalka soo koraya ee u nugul qatartaan ayaana hadda ka shaqeeneysa ansixinta Siyadadda qaran ee Isbedelka Cimilada oo ay soo diyaariyeyn Agaasinka deegaanka iyo isbadalka cimilada ee xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Xildhibaano ka tirsan Gollaha shacabka, wasiiradda Deegaanka ee maamul goboleedyadda, maamulka Gobolka Benaadir iyo qeybaha kala duwan ee Bulshadda rayidka ayaa ka qeyb galay shirkaan oo lagu  lafa gurayey siyaasadda qaran ee Isbeddelka cimilada, iyadoona ka qeyb galayaashu isweydaarsadeen figrado kala duwan.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Agaasimaha guud ee Agaasinka Deegaanka iyo isbedelka cimilada ee xafiiska Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Axmed Yusuf Axmed oo daah furay shirka ayaa sheegay in Fatahaadaha iyo Abaaraha ka dhacay qaar ka mida gobolada dalka ay sabab u yihiin   Isbedelka cimalada, isala markaana loo baahanyahay in laga wada shaqeeyo sidii meel looga soo wada jeesan lahaa yareynta iyo ka hortagga dhibaatooyinka laga dhaxlo isbadalka cimilda oo ay dunida oo dhan dagaal kula jirto.

Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi, guddoomiye ku xigeenka arimaha bulshada ee Gobolka Banaadir Basma Caamir Jakeeti  iyo Wasiirka deegaanka ee Koonfur galbeed Cali Isaaq Cumar ayaa xusay Inuu shrikan muhiim u yahay bulshada Soomaaliyeed,  loona baahanyahay in laga wada shaqeeyo ka hortagga dhibaatooyinka ay sababaan Isbadalka cimilada.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo kulan wada tashi ah la qaatay Haweenka ku jira labadda Aqal ee BFS

Next Post

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo sheegtay in uu dhaqan galay Manhajka dugsiga dhexe.

Next Post
Wasaaradda Waxbarashada XFS oo sheegtay in uu dhaqan galay Manhajka dugsiga dhexe.

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo sheegtay in uu dhaqan galay Manhajka dugsiga dhexe.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In