Wednesday, January 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan looga dooday arrimaha Federalka Soomaaliya oo lagu qabtay Minnesota “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Kulan looga dooday arrimaha Federalka Soomaaliya oo lagu qabtay Minnesota “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan cilmiyeedkaan oo ay soo qabanqaabisay Madasha Dood Qaran ee saldhiggeedu yahay magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa waxaa lagu casuumay shaqsiyaad isugu jira siyaasiin caan ah iyo aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ka kala yimid meelo kala duwan, kuwaasi kala ah Yussura Abrar oo ah gabar dhinaca dhaqaalaha ku taqsuustay, islamarkaana mar ahayd Guddoomiyihii Bangiga dhexe ee Soomaaliya. Dr. Cabdulqaadir Cabdi Xaashi oo ahaa Wasiirkii hore ee Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya. Prof. Axmed Muunin Warfaa oo ah aqoonyahan wax ka dhiga Jaamacadda ku taal gobolka Utah ee dalka Mareykanka, islamarkaana mar isku sharaxay xilka Madaxweynimada Soomaaliya. Avv. Cabdulwaaxid Cabdullaahi Warsame oo ah nin sharciyaqaan ah oo ka shaqeeya xaafiiska xeer ilaalinta ee magaalada Columbus ee Gobolka Ohio.

Kulankan ayaa waxaa si weyn looga dooday fahamka ay dadka Soomaalidu ka haystaan nidaamka federaalka oo ah mid ku cusub hab maamulka dowladnimada Soomaaliya iyo waxyaabaha laga dhaxalay sanadihii koobnaa ee nidaamkaan dalka ka shaqeynayey.

Related posts

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kormeeray xarunta shirkadda NMDC

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kormeeray xarunta shirkadda NMDC

January 20, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Koonfur Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Koonfur Afrika

January 20, 2026

Dooddayaasha ayaa si weyn ugu kala aragti duwanaa hanaanka Federaalka, kuwaasi oo dhinacyo kala duwan ka eegayey sida dhaqaalaha, dhaqanka iyo sharuucda dalka u taal sidii loogu dabaqi lahaa.

Cabdulqaadir Cabdi Xaashi oo ahaa Wasiirkii Waxbarashada oo ugu horreyn goobta ka hadlay ayaa ka sheekeeyay qaabka uu ku soo bilowday nidaamka Federaalka iyo sidii uu ku soo galay dowladnimada Soomaaliya, isagoo sheegay aas-aaska Federaalka ay saldhig u ahayd kala fogaanshiyaha iyo aamindarada Soomaalida soo kala dhexgashay tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee dalka ka talinaysay, islamarkaana Soomaalidu ay galeen colaado sokeeyo oo dhumiyey kalsoonidii dadka Soomaaliyeed.

Prof. Warfaa ayaa dhankiisa sheegay in Federalku uu noqon karo mid dadka Soomaalida si weyn isugu soo dhaweyn kara, haddii si wanaagsan loo baahiyo, islamarkaana lala yimaado faham ku saabsan sida la isugu maamulo. Warfaa oo u muuqday in uu si weyn ula dhacsan yahay nidaamka Federaalka ayaa ku dheeraday waxyaabaha wanaagsan ee laga dhaxlikaro, isagoo sheegay in uu Soomaalida u horseedikaro barwaaqo haddii ay fahmaan qaabka la isugu maamulo. “Anigu waxaan aaminsanahay in uu Soomaalida u keenikaro barwaaqo iyo isku soo dhawaanshiyo, waxaana tusaale idin kugu filan dalka Mareykanka ee aan joogno,” ayuu yiri Warfaa.

Sidoo kale, Yussura Abrar ayaa dooda dhinaceeda diiradda ku saartay dhaqaalaha Soomaalida iyo nidaamka Federaalka, iyadoo sheegtay in aysan Soomaalidu haysan dhaqaale ku filan oo ay nidaamkaan ku baahinkaraan.

Ugu dambeyn, doodda waxaa ka hadlay Cabdiwaaxid Cabdullaahi Warsame, kaasi oo sheegay marka hore loo baahan yahay dib u heshisiin Soomaalida dhexmarta, gaar ahaan qabaa’ilaadka, kuwaasi oo kala tabanaya dhibaatooyinkii ay horseedeen dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

Kulankaan dood wadaagga ahaa ayaa waxaa ka soo qeybgalay boqolal ruux oo ah Soomaalida ku dhaqan gobolka Minnesota, kuwaasi oo su’aallo iyo fikradaba ku biirinayey mas’uuliyiinta lagu marti-qaaday.

 

Abdulrahman Nur

[email protected]

Warbaahinta Qaranka

Massachusetts,Boston

Previous Post

Cali Iidoow oo Calanka Soomaaliya geeyay fiinalka Orodka 1500 Mitir Ciyaaraha Olombikada Islaamka

Next Post

23 kun oo arday oo maanta u fadhiisatay imtixaanka dusgiga sare

Next Post
23 kun oo arday oo maanta u fadhiisatay imtixaanka dusgiga sare

23 kun oo arday oo maanta u fadhiisatay imtixaanka dusgiga sare

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kormeeray xarunta shirkadda NMDC

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kormeeray xarunta shirkadda NMDC

January 20, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Afrax, oo ay weheliyaan Agaasimayaal, khubaro...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Koonfur Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Koonfur Afrika

January 20, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Koonfur Afrika, Mudane Cyril Ramaphosa....

Xarunta Safarada Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika oo laga hirgaliyay xafiiska kaarka hay’adda NIRA

Xarunta Safarada Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika oo laga hirgaliyay xafiiska kaarka hay’adda NIRA

January 20, 2026
0

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa xarun cusub ka hirgelisay Xarunta Safarada Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika. Munaasabadda oo...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan mira-dhal ah la yeeshay Ururka Dalxiiska Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan mira-dhal ah la yeeshay Ururka Dalxiiska Soomaaliya

January 20, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa maanta kulan la yeeshay xubnaha Ururka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In