Saturday, April 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan looga hadlaayo Wadashaqeynta Wasaaradaha iyo hay’adaha oo lagu qabtay Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Kulan looga hadlaayo Wadashaqeynta Wasaaradaha iyo hay’adaha oo lagu qabtay Dhuusamareeb “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda haweenka iyo xuquuqul Insaanka Galmudug oo gacan ka helaysa hey’adda Save The Children ayaa magaalada Dhuusamareeb maanta ku qabatey Kulan dib loogu eegayo wadashaqeynta kala dhexeysa ,Hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya daryeelka Carruurta iyo ka hortagga xadgudubka Jinsiga ku saleysan ayaa si gaar ah diirada loogu saarayo waxyaabaha wadajirka ku qabsoomey sanadkan 2021 iyo qorsheynta Shaqada, wadashaqeynta iyo isla xisaabtanka ee sanadka dhalanaya 2022.

Shirkaan oo uu si rasmi ah uu u furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka iyo xuquuqul Insaanka Galmudug Maxamed Cali Alaale, ayaa Waxaa kasoo qayb galay hey’addo kala duwan oo u dhaqdhaqaaqa xuquuqda Carruurta, kuwaa oo goobta kusoo bandhigey macluumaad baaxad leh oo iftiiminayay faa’iidooyinka laga dhaxlay wadashaqeynta joogtada ah ee dowladda iyo hey’addaha, iyagoo dalbadey in lasii xoojiyo wadajirka hore loo muujiyay.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Isimada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Isimada Puntland

April 11, 2026
Wafdi ka socda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ka qaybgalay Shirka Arrimaha Bariga Africa

Wafdi ka socda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ka qaybgalay Shirka Arrimaha Bariga Africa

April 11, 2026

Shirkan oo ay goobjoog ka ahaayeen inkabadan 50 hay’addood oo isugu jira kuwa Caalami ah iyo kuwa ka shaqeeya gudaha wadanka isla markaana laga soo saarey waxa qabsoomey sanadkan, qorsheynta wax qabadyada Sanadka soo socda iyo Qaabka loo hormarinaayo wada shaqeynta Wasaaradaha iyo hey’addaha.

Wasaaradda Haweenka iyo xuquuqul Insaanka Galmudug oo ka mid ah wasaraddaha xiriirka joogtada ay la leh bulshada ayaa Sanadkan xoogga saartay wax qabadyo iyo wacyigalino si toos ah wax u taraya Bulshada ku dhaqan Galmudug.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda IGAD “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo shir guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada 

Next Post
Ra’iisul Wasaare Rooble oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda IGAD “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Rooble oo shir guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Isimada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Isimada Puntland

April 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan soo dhaweyn ah u sameeyay isimada Puntland, oo ay...

Wafdi ka socda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ka qaybgalay Shirka Arrimaha Bariga Africa

Wafdi ka socda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ka qaybgalay Shirka Arrimaha Bariga Africa

April 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee ka qeybgalay shirka Arrimaha Bariga Afrika ee ay martigelisay Jaamacadda Yangzhou ayaa...

Dowladda Soomaaliya oo dib dalka ugu soo celinaysa 400 Muwaadiniin Soomaaliyeed oo sugan Libya

Dowladda Soomaaliya oo dib dalka ugu soo celinaysa 400 Muwaadiniin Soomaaliyeed oo sugan Libya

April 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cali, ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay...

Ciidamada Ammaanka Caasimadda oo fashiliyay hub si qarsoodi ah Mooto loogu soo geliyay Muqdisho

Ciidamada Ammaanka Caasimadda oo fashiliyay hub si qarsoodi ah Mooto loogu soo geliyay Muqdisho

April 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidamada Ammaanka ee Caasimadda Muqdisho oo ka duulaya xogo amni oo shacabka Caasimadda ay gacan ka geysteen ayaa caawa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In