Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan looga hadlaayo Wadashaqeynta Wasaaradaha iyo hay’adaha oo lagu qabtay Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Kulan looga hadlaayo Wadashaqeynta Wasaaradaha iyo hay’adaha oo lagu qabtay Dhuusamareeb “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda haweenka iyo xuquuqul Insaanka Galmudug oo gacan ka helaysa hey’adda Save The Children ayaa magaalada Dhuusamareeb maanta ku qabatey Kulan dib loogu eegayo wadashaqeynta kala dhexeysa ,Hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya daryeelka Carruurta iyo ka hortagga xadgudubka Jinsiga ku saleysan ayaa si gaar ah diirada loogu saarayo waxyaabaha wadajirka ku qabsoomey sanadkan 2021 iyo qorsheynta Shaqada, wadashaqeynta iyo isla xisaabtanka ee sanadka dhalanaya 2022.

Shirkaan oo uu si rasmi ah uu u furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka iyo xuquuqul Insaanka Galmudug Maxamed Cali Alaale, ayaa Waxaa kasoo qayb galay hey’addo kala duwan oo u dhaqdhaqaaqa xuquuqda Carruurta, kuwaa oo goobta kusoo bandhigey macluumaad baaxad leh oo iftiiminayay faa’iidooyinka laga dhaxlay wadashaqeynta joogtada ah ee dowladda iyo hey’addaha, iyagoo dalbadey in lasii xoojiyo wadajirka hore loo muujiyay.

Related posts

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026

Shirkan oo ay goobjoog ka ahaayeen inkabadan 50 hay’addood oo isugu jira kuwa Caalami ah iyo kuwa ka shaqeeya gudaha wadanka isla markaana laga soo saarey waxa qabsoomey sanadkan, qorsheynta wax qabadyada Sanadka soo socda iyo Qaabka loo hormarinaayo wada shaqeynta Wasaaradaha iyo hey’addaha.

Wasaaradda Haweenka iyo xuquuqul Insaanka Galmudug oo ka mid ah wasaraddaha xiriirka joogtada ay la leh bulshada ayaa Sanadkan xoogga saartay wax qabadyo iyo wacyigalino si toos ah wax u taraya Bulshada ku dhaqan Galmudug.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda IGAD “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo shir guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada 

Next Post
Ra’iisul Wasaare Rooble oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda IGAD “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Rooble oo shir guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada 

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay weheliyaan hoggaanka sare ee hay’adda, ayaa ka...

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

January 31, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta si...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In