Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan looga hadlay dhismaha Golayaasha deegaanka oo lagu qabtay Muqdisho ”SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Kulan looga hadlay dhismaha Golayaasha deegaanka oo lagu qabtay Muqdisho ”SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Aqoon isweydaarsigaan oo ujeedkiisu ahaa dardar galinta sanadkan ee dhismaha Golayaasha Deegaanka Degmooyinka Gobolada Dalka, iyada oo laga tusaala qaadanayo wixi ka qabsoomay sanadkii tegay waxa ka qeyb galay masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisinta  Soomaaliya, Wasiiradaha Arrimaha gudaha ee dowlad goboleedyada iyo Bahwadaagta beesha caalamka ee taageera dhismaha golayaasha deegaanka.

Wasiiro Dowlaha Wasaaradda Arimaha Federaalka iyo dib u heshiisinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Faarax Wehliye oo ka hadlay caqabadihi ugu weynnaa sanadkii tegay ayaa sheegay in 16 degmo sanadkaan qorshuhu yahay in laga hirgaliyo Golayaasha Deegaanka.

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026

“Sanadkii hore caqabado ayaa jiray oo xagga shuruucda, amniga, abaaraha iyo wacyi gelin la’aanta bulshada, waxaana suura gashay kaliya 2 degmo in golaha deegaanka loo dhiso, sanadkan waxaan qorsheynayanaa inaan ka howl bilaawno 16 degmo oo la dhameystiro golayaashooda deegaanka sida aan rajaynayno’’ ayuu yiri Wasiiro dowlaha.

Mudane Maxamed Cali Caadle Wasiirka Arimaha Gudaha ee Hisrhabeelle oo ku hadlayay Afka Dowlad Goboleedyada ayaa ku baaqay in la taageero Degmooyinka loo dhisay Golayaasha Deegaanka iyo kuwa haatan lagu howlan yahay in loo dhiso.

“Waxaan ku celcelinaynaa in maadaama dadkii ku shaqada lahaa oo dhan joogaan in meelihii laga dhisay golayaasha deegaanka in wax laga qabto, kuwa dhiman dhismahooda in nalaga taageero’’ Mudane Maxamed Cali Caadle.

Bahwadaagta beesha caalamka ee taageera hannaanka Qaran ee dhismaha dowladaha hoose ee Wadajir ayaa balan qaaday inay sii joogteynayaan doorkooda.

Agaasimaha Guud ee Federaalka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya Maxamed Cabdulwahaab dhismaha golayaasha deegaanka ayuu ku tilmaamay inuu xal u yahay khilaafaadka heerarkiisa kala duwan ee waddanka ka jira.

“Khilaafyada kala duwan ee bulshadeena haysta ee isugu jira aragtida, siyaasadda, deegaanka iyo kuwa la mid ah intaas oo mashaakil oo bulshadeena haysata meesha kaliya ee lagu xalin karaa waa dhismaha golayaasha deegaanka, taasoo ka tarjumaysa in wax la wadaago inay bulshadu wax isku darsadaan soona gudbiyaan wadajir baahiyaha ay qabaan’’ ayuu yiri Agaasimaha.

Kulanka intii u socday waxaa shadooyin dhiira gelin ah lagu Guddoonsiiyay mas’uuliyiinta Wasaaradda Arimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo uu Hogaaminayay Wasiirkooda Madaama sanadkii tagay ay noqdeen Koofurta dalka  dowlad gobnoleedkii ugu horeeyay ee  ku guuleystay bilaabashada dhismaha golayaasha deegaanka oo laga hirgaliyay degmooyinka Bardaale iyo Xudur oo ka kala tirsan Gobollada Baay iyo Bakool.

Previous Post

Hay’adaha ku shaqada leh dib-u-eegista Dastuurka iyo Xukuumadda Hirshabeelle oo kulmay “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo qaabilay sii hayaha Safaaradda Qatar ee Soomaaliya+Sawirro

Next Post
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo qaabilay sii hayaha Safaaradda Qatar ee Soomaaliya+Sawirro

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo qaabilay sii hayaha Safaaradda Qatar ee Soomaaliya+Sawirro

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Naastaro ayaa maanta furay tababar muhiim...

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

March 10, 2026
0

Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaa si habsami leh uga socota diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

March 10, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo uu wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In