Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Cameey ayaa kulan la qaatay guddigii abaaraha oo uu magcaabay Madaxweynaha Puntland, kuwaas oo uu guddoomiye u yahay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, waxaana looga hadlay xaaladda abaaraha iyo qaababkii looga hawlgeli lahaa.
Guddiga abaaraha ayaa waxay soo saareen saddex qodob oo sal looga dhigayo qaabkii loo bilaabi lahaa gurmadka abaaraha, waxaana warbaahinta u akhriyey Wasiirka Warfaafinta ee dowlad goboleedka Puntland Maxamuud Xassan Soocadde.
- In la sameeyo guddi Farsmo, guddigaas oo hubin dhab ah ku samayn doona sida ay u kala baahi badan yihiin gobollada Puntland ee ay abaartu ka jirto.
- In Roobdoon la qabto maalinta khamiista ah ee soo socota 25-Feb-2016-ka sidii Wasaaradda Caddaaladu ay hore ugu dhawaaqday, waxaana arrintaa kawada shaqayn doona Wasaaradda Caddaaladda iyo iyo Guddoomiyeyaasha Gobollada Puntland.
- Is abaabul loo bandhigay ganacsatada Puntland oo la doonayo ganacsatada in ay qayb libaax ka qaataan gurmadka abaaraha sidii horeba looga bartay, arrintaana waxaa kawada shaqayn doona Wasaaradda Caddaaladda iyo Rugta Ganacsiga Puntland.
Sidoo kale waxyaabihii kulanka looga hadlay waxaa kamid ahaa in sida ugu dhaqsaha badan loo bilaabo biya dhaamiskii iyo in lala xisaabtamo hay’adaha Maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah oo weli aan keenin waxay ugu tala galeen abaaraha.