Kulankaan oo uu soo abaabuley Maamulka Gobolka Bakool oo ay qeyb ka ahaayeen saraakiisha Sar Sare ee Guutada 9-aad ciidanka Xoogga dalka Gobolka Bakool iyo odayaasha dhaqanka Degmooyinka Xudur, Tiyeeglow iyo Rabdhuure ayaa waxaa looga hadlay sidii howgallada ciidamada ay qeyb uga noqon lahaayeen shacabka is abaabuley oo odayaasha iyo waxgaradka ay u hogaamin lahaayaan. maadaama shacabka Gobolka Bakool uu yahay bulshadii ugu horeysey ee ka dhiidhisay gumeysiga Shabaab.
Odayaasha dhaqanka kulanka ka hadlay ayaa wacad ku maray inay safka hore ee dagaalka lagalayaan ciidamada, ayna shacabka ku dhiiri gelinayaan sidii wadajir guud ahaan dalka looga cirib tiri lahaa argagixisada Al-Shabaab.
Taliyaha guutada 9-aad qeybta 60-aad ciidanka xoogga dalka ee Gobolka Bakool Gaashaanle Dhexe Cabdi Maxamed Amiin Gaagaale ayaa bogaadiday shacabka iyo nabadoonnada u diyaar garoobay ladagaallanka cadowga.
Guddoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tol ayaa shacabka reer Bakool ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan gulufka dagaal ee deegaannada Gobolka looga xureynayo argagaxisada Al-Shabaab, maadaama qeybo ka mid ah degmooyinka Gobolka ay yihiin kuwa ay cadowga goโdoomiyeen.