Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda haweenka oo kulan looga hadlayay ilaalinta xuquuqda carruurta ku qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda haweenka oo kulan looga hadlayay ilaalinta xuquuqda carruurta ku qabtay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta xuquuqul Aadanaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Haweenka, culimaa’udiin, saraakiil ka socotay ciidamada xoogga dalka, xubno ka kala socday qaar ka mid ah Wasaaradaha Xukuumadda iyo haween kaa oo looga hadlayey sidii dhaqan gelin iyo wacyi gelinba looga sameyn lahaa axdiga xuquuqda carruurta si carruurta Soomaaliyeed ay u helaan xuquuqdooda.

Faadumo Maxamed Cali agaasimaha waaxda Haweenka iyo Carruurta ee Wasaaradda Haweenka iyo xuuqda aadanaha oo kulanka ka hadashay ayaa sheegtay in bulshada looga  baahanyahay in la hirgeliyo heshiiska carruurta, waxayna ku baaqday in qoys kasta oo Soomaali ah u xanaaneeyo mid ka mid ah carruurta ku dayacan wadooyinka magaalada Muqdisho si loo waayo carruur dhibaateysan

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026
Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026

Sido kale Canab Xasan Cilmi guddoomiye ku-xigeenka ururka Haweenka Qaranka aya xustay in ay lagama maarmaan tahay in la hirgeliyo heshiiskan ku saleysan xuquuqda carruurta Soomaaliyeed, isla markaana carruurta laga ilaaliyo waxyaabaha qatarta naftooda ku keeni kara.

Ugu dameynti Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ee Xukuumadda Soomaaliya Sahra Maxamed Cali Samatar aya sheegtay in ahmiyadda kulankani u yahay dhaqan gelinta sharciga carruurta, waxaana ay Wasiirku xustay in ay waajib tahay daryeelka carruurta Soomaaliyeed si lo helo jiil dhan kasta ka bad qaba.

Horaanti sanadkan ayuu Mahadaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud u saxiixay heshiista ku saleysan dhowrista xaquuqda carruurta, iyadoo Wasaaradda Haweenka ay dadaal ugu jirto dhaqan galka heshiiskaasi carruurta.

IMG_8067 IMG_8071 IMG_8076 IMG_8080 IMG_8083 IMG_8084 IMG_8087 IMG_8088 IMG_8089 IMG_8094 IMG_8102 IMG_8105 IMG_8117 IMG_8120 IMG_8121 IMG_8123 IMG_8127 IMG_8130 IMG_8131 IMG_8132 IMG_8136 IMG_8138 IMG_8141 IMG_8142 IMG_8150 IMG_8153

Sawir Qaade:- Maxamed Cabdullaahi Maxamed

Previous Post

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”

Next Post

Tababbar ku saabsan ka hortagga xaalufinta dhirta oo lagu qabtay Balanbale

Next Post
Dowlad Goboleedka Galmudug oo maamul cusub u magacaabay Balanbal “Akhriso”

Tababbar ku saabsan ka hortagga xaalufinta dhirta oo lagu qabtay Balanbale

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta safar shaqo ku tagay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti...

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa furay doorashooyinka Galmudug iyo HirShabeelle oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In