Kulan uu soo qaban qaabiyay Guddoomiye Ku xigeenka Arrimaha Bulshada Boondheere ayna ka qeyb galeen Guddoomiye ku xigeennada Arrimaha Bulshada degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa ka soo qeyb galay marti sharaf ka socotay qeybaha kala duwan ee bulshada degmooyinka.
Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada degmada Boondheere C/xamiid Cabdikariin oo furitaanka kulanka hadal ujeediyay ka soo qayb galayaasha ayaa ku dhiirigeliyay in ay sii xoojiyaan xiriirka wada shaqeynta iyo horumarinta is-dhexgalka bulshada Gobolka Banaadir.
Qaar kamid ah Guddoomiye Ku-xigeennada Arrimaha Bulshada degmooyinka Gobolka Banaadir oo ka hadlay goobta ayaa muujiyay muhiimada ay leeday isdhexgalka bulshada iyagoo sheegay in markasta ay diyaar u yihiin u adeegida bulshada
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wada olole lagu horumarinaayo xiriirka iyo is-dhexgalka Bulshada ku dhaqan gobolka Banaadir si loo xoojiyo amniga iyo horumarka degmooyinka gobolka Banaadir uu ka kooban yahay.