Thursday, July 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan looga hadlayay iskaashiga bulshada dhexdeeda ah oo lagu qabtay Degmada Heliwaa “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Kulan looga hadlayay iskaashiga bulshada dhexdeeda ah oo lagu qabtay Degmada Heliwaa “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan dadweyne oo looga hadlay sidii bulshada isaga kaashan laheyd ka hortagga weerar lamid ah midkii 14 Oct ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho ayaa lagu qabtay degmada Heliwaa ee gobalka Banaadir.

Kulanka oo qeyb ka ah barnaamijyo wacyigalin ah oo loogu magacdaray Samawade kana socda degmooyinka gobalka banaadir ayaa waxaa ka qeybgalay guddoomiyaha degmada Heliwaan, ku xigeenadiisa, guddoomiyaha ururka haweenka gobalka banaadir iyo boqolaal kamid ah dadweynaha degmada Heliwaa.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

July 30, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

July 30, 2026

Leyla Coloow Calasoow oo kamid ah haweenka degmada oo kahadashay furitaanka kulanka ayaa xustay in habeen walba ay ku calwasaaddo naxdinta weerarkii dadka badan ay ku halaagsameen ee ka dhacay wadada mashquulka badan ee Zoobe, waxayna sheegtay in loo baahanyahay la shaqeynta hay’adaha Amniga si looga hortago qatar walbo oo nabadgalyada deegaanka waxyeeli karto.

Guddoomiye ku xigeenka nabadgalyada degmada Heliwaa Abshir Maxamed Maxamuud oo dadweynaha lahadlay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin sidii ay dabooli lahaayeen baahiyaha bulshada ee xagga nabadgalyada, isagoo hadalkiisa raaciyay in Heliwaa ay tahay dagmo ka ammaan badan dagmooyinka kale oo gobalka banaadir.

Guddoomiyaha ururka haweenka Gobalka Banaadir Jawaahir Baarqab oo kamid aheyd mas’uuliyiintii la hadashay dadweynaha ayaa ammaantay barnaamijka wacyigalinta bulshada ee Samawade, iyadoo soo hadalqaaday caqabadaha dhinaca amniga ee ka jira gobalka banaadir iyo sida looga gudbi karo.

“caqabado badan oo ay muhiim tahay in wax laga badalayo ayaa jiro, tusaale ahaan degmada Heliwaa baaxad ahaan wey weyntahay, waxay ay laf-dhabar u tahay amniga magaalada, malahan ciidan amni oo ku filan dagmada, iyadoo tabardaridaas jirto ayaa hadana ciidamada yar ee jooga saldhiga loo daad-gureeyaa goobo ka baxsan dagmada oo howlgal ama shaqooyin kale ay ka socdaan, iyadoon taas xal loo helin caqabaddu wey jiri doontaa” ayay hadalkeeda raacisay Jawaahir.

Guddoomiyaha demgada Heliwaa Cabdixakiim Cumar Cabdulle oo kulanka soo gunaanaday ayaa ugu horreyn tacsi u diray ehelada dadkii waxyeelladu kasoo gaartay weerarkii Zoobe, Guddoomiyaha ayaa sheegay in dagmadu ay nabadgalyo ka jirto howlo badan oo bulshada ammaankeeda lagu sugayana ay qabteen.

Mudane Cabdixakiim ayaa bulshada deegaanka ku boorriyay in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka si looga hortago kooxaha isku dayaya in ay qalqalgaliyaan nabadgalyada dagmada, taasna ay ku imaan karto muujinta wadashaqeyne joogta ah oo ficil loo badalay.

Gabagabadii kulanka waxaa loogu duceeyay dadkii sida xaqdarada aheyd loogu xasuuqay Qaraxii Zoobe, iyadoo ka qeybgalayaasha kulankaasina ay ballanqaadeen in ay diyaar u yihiin la shaqeynta laamaha Amniga, iyagoo muujiyay sida ay uga xunyihiin in dad muslim ah lagu dilo xaqdarro.

Previous Post

Daawo +Sawirro: Jimciyada SOHEDA oo deeq u qeybisay Dad danyar ah

Next Post

Galmudug oo dib u habeyn ku sameyneyso howlaha shaqo ee Garoomada diyaaradaha

Next Post
Garoon diyaaradeed oo laga hirgeliyay degmada Bardaale

Galmudug oo dib u habeyn ku sameyneyso howlaha shaqo ee Garoomada diyaaradaha

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

July 30, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku matalay shir dhanka Zoomka ah...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

July 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galinkii dambe ee maanta safar shaqo ku gaaray magaalada Kambaala ee...

Golaha Wasiirrada XFS, oo ansixiyay ergeyga Soomaaliya ee (OIC) iyo dalacsiinta Danjirayaal cusub

Golaha Wasiirrada XFS, oo ansixiyay ergeyga Soomaaliya ee (OIC) iyo dalacsiinta Danjirayaal cusub

July 30, 2026
0

Golaha Wasiirrada XFS, ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyay soo-jeedinta Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee magacaabista ergeyga Soomaaliya ee...

Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga XFS oo shir muhiiim ah uga qaybgalay dalka Uganda

Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga XFS oo shir muhiiim ah uga qaybgalay dalka Uganda

July 30, 2026
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga JFS, Mudane Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta magaalada Kampala ee Jamhuuriyadda Uganda kaga qayb galay Shirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In