Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan looga hadlayay qorshaha horumarinta Qaranka oo Muqdisho ka furmay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Kulan looga hadlayay qorshaha horumarinta Qaranka oo Muqdisho ka furmay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munasabadaani  oo lagu daahfurayey qorista qorshaha  horumarinta Qaranka ee sanadaha 2017-2019-ka  oo ay wado Wasaaradda qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana ka qayb galay  Ra’iisulwasaare ku-xigeenka  dalka, Wasiirka Qorsheynta  iyo wasiir ku xigeenka Wasaaraddaasi, Agaasimaha Madaxtooyadda Qaranka  iyo agaasimyaasha guud ee Wasaradaha dowladda Soomaaliya,

Qorshaha horumarineed ee Qaranka  ayaa  lagu wadaa in uu  badalo barnamijka New Deal oo ku eg 30ka August ee sanadka 2016-ka,  waxaana  xafladda heeso ka turjumaysa   horumarka ku soo bandhigay qaar ka mid ah fanaaniinta kooxda Heegan.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Xuseen Ceelabe Faahiye oo ah qabiir dhinaca  samaynta qorshaynta Qaranka,  isla markaana  ka mid ah dadkii sameeyey qorshihii Qaranka ee sanadkii 1962dii ayaa sheegay in  helista  qorshe Qaran ee uu yeesho dalka ay tahay  talaabada ugu muhiimsan ee  dal lagu horumarin karo.

Wasiir ku-xigeenka Wasaraadda Qorshaynta iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya  Mudane Cabdulaahi Sheekh Cali Qaloocow ayaa hoosta ka xariiqay in qorshaha Qaranku  uu yahay tan ugu muhiimsan ee lagu gaari karo horumar.

Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane  Cabdirahmaan Sheekh Yusuf Cali Caynte  aya  xusay in dhamaytirka qorshaha horumarinta  Qaranka   uu qaadan doono  bilaha ka dhiman sanadkaan, isla markaana  golaha wasiirada la horgayn doono bisha  June ee2016ka  si ay u meel mariyaan

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte Qaalib oo furay  samaynta qorshaha horumarinta Qaranka ayaa tilmaamay in u jeedada laga leeyahay  Qorshahaan  uu yahay  yareynta  saboolnimada  iyo  shaqlo la’anta  guud ahaan  shacabka Soomaaliyeed.

DSC07624 DSC07625 DSC07627 DSC07629 DSC07630 DSC07632 DSC07633 DSC07635 DSC07636 DSC07637 DSC07638 DSC07639 DSC07642 DSC07644 DSC07650 DSC07656 DSC07662 DSC07664 DSC07665 DSC07669 DSC07674 DSC07679 DSC07681 DSC07682 DSC07683 DSC07685 DSC07695 DSC07696 DSC07700 DSC07717 DSC07721 DSC07728 DSC07732 DSC07736 DSC07740 DSC07743 DSC07749 DSC07756

Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir

 

 

Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Guddoomiye Jawaari “Dib ayaa loo dhigay furitaanka kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka”

Next Post
Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Soo Saaray Go’aan Ku Saabsan Maareynta Wadahadal gelinta Mooshinka Madaxweynaha

Guddoomiye Jawaari “Dib ayaa loo dhigay furitaanka kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka”

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In