Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan looga hadlayay sida loogu gurman karo qaxootiga Yemeniyiinta ah oo lagu qabtay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Β Soomaali Ka Carartay Colaada Yemen Oo Gaaray Boosaaso “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankaan oo ay soo qaban qabisay Jaaliyadda Yemen ee Soomaaliya ku nool ayaa waxa looga arrinsanayey sida gar gaar loogu fidin karo dadka reer Yemen ee usoo qaxey gudahha Soomaaliya, waxaana ka qeyb galey xubno ka tirsan Labada gole ee dowladda, guddiga badbaadinta Qaxootiga Yemen ka imaanaya iyo mas’uuliyiin ka socotay gobolka Banaadir.

Godoomiyaha Jaaliyadda Yemen ee SoomaaliyaΒ  Xuseen Saalim Axmed ayaa bogaadiyey doorka ay ka qadanayaan dadka Soomaaliyed iyo dowladdooduba u gar garida Qaxootiga Yemen ee Soomaaliya soo gaaray.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026

β€œJaaliyadda Yemen ee Soomaaliya waxay ka markhaati kaceysaa in Soomaaliya shacab iyo Xukuumadba ay mudnaan weyn siinayaan waqooyi iyo koofur, BariΒ  iyo Galbeed meel ay joogaanbaΒ  dadka reer Yemen, ayna laabtooda u fureen una tafa xeyteen soo dhoweynta dariskooda tabaaleysan. sidoo kale Jaaliyaddu waxay ka markhaati kaceysaa hufnaanta shacabka Soomaaliyeed iyo jaceylka ay u qabaan dadka reer Yemen” ayuu yiri Xuseen Saalim.

Shariifo Macow oo xubin ka ah guddiga badbaadinta Qaxootiga Yemen ka soo cararaya ayaa shegtay in dadka Soomaaliyeed looga bahanyahey iney dhexda u xirtaan sidii dadka walalahood reer Yemen u soo dhaweyn lahaayeen.

β€œNinba waa kalkiisa, maanta annaga nalaga rabaa guntiga inan dhiisha isaga dhigno (dadaal badan sameyno) dadkan sidan ku meel geen laheyn,Β  annagu waan garan karnaa qofki gurigeedi oo kale ma u noqon karno, laakin waaΒ  inaan dadaalna inti karankeena ah garab istagnana”.ayay tiri Shariifo Macow.

Xildhibaan Dayfullaahi ayaa u mahad celiyay dowladda Soomaaliya, maamullada Puntland iyo Soomaaliland iyo dowladda Jabuuti oo walaalnimo u muujiyay, isla markaana soo dhaweeyay dadka Soomaalida iyo Yemeniyiinta ah ee ka soo cararay colaadda ka taagan dalka Yemen.

β€œWaxaan aad ugu mahad celinayaa amigo ku hadlaya magacaΒ  Jaaliyadda Carabta Soomaalida halkan degan ee asalka Soomaalida ah, Madaxwenaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle sida cajiibka aheyd deg-dega badneydΒ  uu uga jawaabey baahida dadka Walalaha ahaa ee usoo qaxay ama usoo haajiroodey, waxan kalooΒ  umahadcelineynaa Dowlad GobolledyadaΒ  Soomaliland iyo PuntlandΒ  oo ayaguna qatey door shariif ah, dareensiiyey dadkaas Yemen Walaalo iney leeyihiin iney gurigoodi labaad usoo how-deen (jisaa kumallahi Qeyran )Gobolka banadir iyo Dowladda Dhexe ee SoomaaliyaΒ  waxan ugu baqeynaa in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu jawaabto baahida dadka soo qaxay ee ina soo gaarey iyo dadka kale ee faraha badan ee Wadada kuso jira”. ayuu Xildhibaanku hadalkiisa ku daray.

Wasiiru dow-laha Wasaradda Warfafinta Xukuumada Soomaaliya Maxamuud Cabdi BeekoosΒ  ayaa ugu danbeyn goobta ka hadlay waxa uuna ka shejeyey doorka Xukuumadda Soomaaliya ka qadaneyso soo dhaweynta Walalahooda Yemen ka yimid, ee isaga soo cararay colaadda halkaasi ka taagan.

 

Previous Post

Gabdhaha Kubadda Kolleyga ee degmada Shibis oo ku guulestay tartan isboorti β€œSAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In