Friday, September 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan looga hadlayay xariirka waalidka iyo carruurta qurbaha oo maraykanka ka dhacay

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Kulan looga hadlayay xariirka waalidka iyo carruurta qurbaha oo maraykanka ka dhacay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankaan oo ka dhacay magaalada Columbus Ohio ee dalka Mareykanka waxaa soo abaabulay aqoonayahan Dahir Ali Omar waxaa looga hadlay xariirka waalidka iyo caruurta qurbaha,Ujeedada ayaa ahayd ogaanshaha iyo fahanka laga haysto caruurta kadib markii ay sii bateen dhibaatooyinka ka dhasha caruurta noloshu ka badalanto kuna wareera dhaqamada is diidan ee kala ah tan waalidkood ku soo koreen iyo midka caruurta qurbuhu ku dhasheen.

“Waalidiin baddan ayaa aad ugu wareera fahamka ubadkooda waxayna horseeday is fahmi waa sababa in ilmuhu nolosha ka dhacaan, halisna u galaan in ay mustaqbalkooda waayaan” sidaa waxaa yiri Dahir Ali Omar oo xilliyadii u danbeeyay waday baaritaan ku aadan xariir la’aanta waalidka iyo Ubadka ka dhex dhalata iyo waxa sababa.

Related posts

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026

Aqoonyahan baddan oo kulankan ka hadlay oo ay ka mid ahaayeen Waalidiin, Macalimiin, Ganacsato iyo quburo kale ayaa ka hadlay kulankan waxayna gorfeeyeen xaaladaha adag ee haysta Caruurta ku dhalatay qurbaha kuwaas oo la kulma dhibaatooyin kala duwan kana dhasha kala duwanaanshaha labada dhaqan.

Ruqiya kuusoow oo ah Hooyo Aqoonyahan ah in mudaana ku noolayd dalkan ayaa soo jeedisay in Waalidiintu  u dabacsanaadaan ubadkooda kuna xisaabtamaan in caruurtu yihiin dhibanayaal labo dhan u dhexeeya isla markaana u bahan in la fahmo saaxiib dhow lala noqdo loo muujiyo in diyaar loo yahay iyada oo dhanka kale xustay in waalidiintu xaruurta uga sheekeeyaan dhaqamada kala duwan iyo halisaha ku xeeran si dabacsan.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee dalka Maraykanka Deeqo Shire Deeqo (SONNA)- ayaa intaasi raacisay in Qaar ka mid ah dadka ka shaqeeya goobaha caafimaadka oo ay ka mid tahay Deeqo Mohamed Siyaad ay soo bandhigtay qibradda ay ka haystaan caruurta iyo waalidka Soomaaliyeed kana sheekeeyay dhibaatada jirta iyo aqoon la’aanta waalidiin baddan ka haysta Fahanka ubadkooda,Ifrah Udgoon oo ah Macallin dugsiga dhexe u dhigta caruurta ayaa aad ugu xeel dheeraatay dhibka jira soona jeedisay in caruurta Jacayl loo muujiyo iyo in saaxiib dhow lala noqdo iyada oo tusaale u soo qaadatay Nafteeda oo ah shaqsi ku koray qurbaha lana kulmay dhibka laga sheekeeynaayo.

Gabi ahaan dadkii hadlay ayaa garowsaday in Halis baddan ku xeerantahay Caruurta qurbaha ayna kaga bixi karaan waalidiin u dabacsan saxiib laha isla markaana fahansan waxa iska badalay ubadkooda iyo marxaladaha ay marayaan, barnaamijkaan oo aad u xiiso badnaa loona riyaaqay waxaana lagu ballamay in la sii wado kulmada caynkaan ah si loo bad baadiyo caruurta Soomaaliyeed ee qurbaha ku dhashay ama ku koray kuwaas oo halis ugu jira, dhaqan Guur, Daroogo, Xabsi, Dil, iyo Wax walba oo xun hadii aysan helin Gacan Naxariis iyo aqoon isku darsatay.

Deeqo Shire (SONNA)

    

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kulan La Qaatay Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka+Sawirro

Next Post

Shir u dhaxeeya Ganacsatada iyo dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo ka furmay magaalada Jowhar.

Next Post
Shir u dhaxeeya Ganacsatada iyo dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo ka furmay magaalada Jowhar.

Shir u dhaxeeya Ganacsatada iyo dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo ka furmay magaalada Jowhar.

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
0

Waxaa magaalada Nairobi lagu qabtay Shirka Heerka Sare ee Iskaashatada Horumarinta iyo Wakiillada Diblomaasiyadeed ee Dib-u-soo-nooleynta Webiyada Nairobi, kaas oo...

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

September 10, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka....

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

September 10, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In