Monday, November 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan looga hadlayay xariirka waalidka iyo carruurta qurbaha oo maraykanka ka dhacay

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Kulan looga hadlayay xariirka waalidka iyo carruurta qurbaha oo maraykanka ka dhacay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankaan oo ka dhacay magaalada Columbus Ohio ee dalka Mareykanka waxaa soo abaabulay aqoonayahan Dahir Ali Omar waxaa looga hadlay xariirka waalidka iyo caruurta qurbaha,Ujeedada ayaa ahayd ogaanshaha iyo fahanka laga haysto caruurta kadib markii ay sii bateen dhibaatooyinka ka dhasha caruurta noloshu ka badalanto kuna wareera dhaqamada is diidan ee kala ah tan waalidkood ku soo koreen iyo midka caruurta qurbuhu ku dhasheen.

“Waalidiin baddan ayaa aad ugu wareera fahamka ubadkooda waxayna horseeday is fahmi waa sababa in ilmuhu nolosha ka dhacaan, halisna u galaan in ay mustaqbalkooda waayaan” sidaa waxaa yiri Dahir Ali Omar oo xilliyadii u danbeeyay waday baaritaan ku aadan xariir la’aanta waalidka iyo Ubadka ka dhex dhalata iyo waxa sababa.

Related posts

Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuur BFS oo kulamo ka yeeshay arrimaha Dastuurka dalka

Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuur BFS oo kulamo ka yeeshay arrimaha Dastuurka dalka

November 16, 2025
Salaad roob-doon ah oo maanta laga oogay degmada Balcad

Salaad roob-doon ah oo maanta laga oogay degmada Balcad

November 16, 2025

Aqoonyahan baddan oo kulankan ka hadlay oo ay ka mid ahaayeen Waalidiin, Macalimiin, Ganacsato iyo quburo kale ayaa ka hadlay kulankan waxayna gorfeeyeen xaaladaha adag ee haysta Caruurta ku dhalatay qurbaha kuwaas oo la kulma dhibaatooyin kala duwan kana dhasha kala duwanaanshaha labada dhaqan.

Ruqiya kuusoow oo ah Hooyo Aqoonyahan ah in mudaana ku noolayd dalkan ayaa soo jeedisay in Waalidiintu  u dabacsanaadaan ubadkooda kuna xisaabtamaan in caruurtu yihiin dhibanayaal labo dhan u dhexeeya isla markaana u bahan in la fahmo saaxiib dhow lala noqdo loo muujiyo in diyaar loo yahay iyada oo dhanka kale xustay in waalidiintu xaruurta uga sheekeeyaan dhaqamada kala duwan iyo halisaha ku xeeran si dabacsan.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee dalka Maraykanka Deeqo Shire Deeqo (SONNA)- ayaa intaasi raacisay in Qaar ka mid ah dadka ka shaqeeya goobaha caafimaadka oo ay ka mid tahay Deeqo Mohamed Siyaad ay soo bandhigtay qibradda ay ka haystaan caruurta iyo waalidka Soomaaliyeed kana sheekeeyay dhibaatada jirta iyo aqoon la’aanta waalidiin baddan ka haysta Fahanka ubadkooda,Ifrah Udgoon oo ah Macallin dugsiga dhexe u dhigta caruurta ayaa aad ugu xeel dheeraatay dhibka jira soona jeedisay in caruurta Jacayl loo muujiyo iyo in saaxiib dhow lala noqdo iyada oo tusaale u soo qaadatay Nafteeda oo ah shaqsi ku koray qurbaha lana kulmay dhibka laga sheekeeynaayo.

Gabi ahaan dadkii hadlay ayaa garowsaday in Halis baddan ku xeerantahay Caruurta qurbaha ayna kaga bixi karaan waalidiin u dabacsan saxiib laha isla markaana fahansan waxa iska badalay ubadkooda iyo marxaladaha ay marayaan, barnaamijkaan oo aad u xiiso badnaa loona riyaaqay waxaana lagu ballamay in la sii wado kulmada caynkaan ah si loo bad baadiyo caruurta Soomaaliyeed ee qurbaha ku dhashay ama ku koray kuwaas oo halis ugu jira, dhaqan Guur, Daroogo, Xabsi, Dil, iyo Wax walba oo xun hadii aysan helin Gacan Naxariis iyo aqoon isku darsatay.

Deeqo Shire (SONNA)

    

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kulan La Qaatay Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka+Sawirro

Next Post

Shir u dhaxeeya Ganacsatada iyo dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo ka furmay magaalada Jowhar.

Next Post
Shir u dhaxeeya Ganacsatada iyo dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo ka furmay magaalada Jowhar.

Shir u dhaxeeya Ganacsatada iyo dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo ka furmay magaalada Jowhar.

Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuur BFS oo kulamo ka yeeshay arrimaha Dastuurka dalka

Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuur BFS oo kulamo ka yeeshay arrimaha Dastuurka dalka

November 16, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Guddiga Madaxa bannaan ee Dastuurka iyo Guddiga Lasocodka Dastuurka ee Baarlamaanka oo maalintii 3aad ku gudajira soo bandhigidda soojeedinta...

Salaad roob-doon ah oo maanta laga oogay degmada Balcad

Salaad roob-doon ah oo maanta laga oogay degmada Balcad

November 16, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka iyo shacabka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa maanta isugu soo baxay kulan ballaadhan oo ay ku...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Machadka Cilmi-Baarista Beeraha Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Machadka Cilmi-Baarista Beeraha Qaranka

November 16, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Machadka Cilmi-baarista Beeraha Qaranka,...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay Madaxda Hay’adda SoDMA

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay Madaxda Hay’adda SoDMA

November 16, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Cali Yuusuf Cali – Xoosh, ayaa maanta la kulmay madaxda Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In