Kulankan tacsida ah oo loogu duceynayey Allaha u naxariistee Ugaas Warsame Ugaas Cali Suuley oo dhawaan isaga iyo dadkale oo aan waxba galabsan ay ku geeriyoodeen qaraxyadii ka dhacay magaalada Beydhaba ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Soomaaliya, Ugaasyo, Salaadiin, oday-dhaqameedyo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Qaar ka mida oday-dhaqameedyada iyo Xildhibaanada kasoo qeybgalay kulanka ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistee Ugaas Warsame Ugaas Cali Suuley.
Wasiir ku-xigeenka Arrimaha gudaha Soomaaliya Isxaaq Maxamed Maxamuud, ayaa ballan qaaday in Wasaaraddu ay xil iska saari doonto daryeelka iyo garab istaaga oday dhaqameedyada oo indho u ah bulshada Soomaaliyeed.
Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa shacabka ka codsatay in ay iska soo dhexsaaraan kuwa diidan Nabadda iyo xasiloonida dalka.
Imaam Maxamed Yuusuf oo kulanka soo xiray ayaa u duceeyay marxuumka, wuxuuna dhinaca kale dadka kula dardaarmay Alle ka cabsi iyo isku duubni in lala yimaado.