Saturday, March 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan Su’aallo lagu weydiinayo Ra’iisul Wasaaraha oo xalay lagu qabtay xarunta Villa Hargeysa

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Kulan Su’aallo lagu weydiinayo Ra’iisul Wasaaraha oo caawa ka socda xarunta Villa Hargeysa “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiyada Difaaca, Arrimaha Gudaha iyo Ammaanka ee Golaha shacabka ayaa xalay kulan su’aalo lagu weydiinayo xarunta Villa Hargeysa kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed, kaa oo  ay ku waydiinyeen  su’allo ku aadan qaab dhismeedka  Amniga Qaranka, dhismaha ciidanka iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka .

Kulanka waxaa shir Guddoominayay Ku simaha Madadweynaha Dalka ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” uu goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka Mudane Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudeey.

Related posts

Maxkamadda Ciidanka qalabka sida oo dil toogasho ku xakuntay  Dable NISA Mukhtaar Shakuur

Maxkamadda Ciidanka qalabka sida oo dil toogasho ku xakuntay Dable NISA Mukhtaar Shakuur

March 14, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira-dhal ah la yeeshay Wakiilka QM ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira-dhal ah la yeeshay Wakiilka QM ee Soomaaliya

March 14, 2026

Su’allaha  ugu  muhiimsanaa ee Ra’iisul Wasaaraha ay waydiiyen Xildhibaannada waxaa  ka mid ah   dhismaha  ciidanka xoogga dalka  oo qaab dhismeedka Amniga Qaranka lagu qorsheeyay in muddo lix bil lagu dhiso ugu yaraan 18 kun, balse  ay  Xildhibanada qaar u fahmeen in  tarida  guud ee ciidanka laga dhigayo 18 kun oo askari.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa  dhamaan uga jawaabay Su’aalihi ay waydiiyeen  Mudanayasha  golaha shacabka  ee ku jira labada Guddi, waxaana uu u cadeeyey  in ciidanka Xoogga dalka  aan loo qorshayn  in laga dhigo  18 kun , dowladda Soomaaliya ay ka  go’an tahay  tayeynta ciidanka  Qaranka , taas oo ay aad ugu farxeen Xildhibaanadda, uguna hambalyeeyeen  Qorshaha Xukumadda ee tayeynta ciidanka  hadda jooga iyo dhismaha ciidan cusub oo qayb ka noqonaya Difaaca  Qaranimada Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhigga ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Cabdullahi Maxamed oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay  in 18 kun ciidan ay yihiin kuwa dowladaha saaxiibka ah dowladda Soomaaliya ay ka caawinayaan xagga mushaarka, waxaana uu intaa ku daray in dowladdu ay iminka bixiso musharaadka in ka badan 24 kun oo ciidan.

“Ciidanka 18 kun waa ciidan ay naga caawinayaan dowladaha saaxiibka la ah Sooamaliya, mana ahan in ciidamada dhamaan lagu soo koobayo 18 kun, balse ay dowladda qorsheyneyso inay ciidanka balaariso” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo Ankara kula kulmay dhigiisa Turkiga “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Maxkamadda Ciidanka qalabka sida oo dil toogasho ku xakuntay  Dable NISA Mukhtaar Shakuur

Maxkamadda Ciidanka qalabka sida oo dil toogasho ku xakuntay Dable NISA Mukhtaar Shakuur

March 14, 2026
0

Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin, ayaa lagu edeeyay dilka Marxuum Fatxi Cabdullahi Cabdi oo dhacay Taariikhdu markii ay aheyd Lix...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira-dhal ah la yeeshay Wakiilka QM ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira-dhal ah la yeeshay Wakiilka QM ee Soomaaliya

March 14, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xarunta hay’adda ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada...

DAAWO: Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlaya abaaraha dalkeenna

DAAWO: Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlaya abaaraha dalkeenna

March 14, 2026
0

Guddoomiyaha SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle oo sheegay in dagaallada ka socda Bariga Dhexe ay kaga sii dareen xaaladdii abaarta...

Wasiir Fiqi oo la kulmay Danjiraha Dowladda Qatar ee Soomaaliya

Wasiir Fiqi oo la kulmay Danjiraha Dowladda Qatar ee Soomaaliya

March 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan la qaatay Danjiraha Dowladda  Qatar u fadhiya Soomaaliya,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In