Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulanka wadatashiga istaraatiijiyadda Qaran ee Warbaahinta iyo wada xiriirka oo maalintii 2-aad galay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Kulanka wadatashiga istaraatiijiyadda Qaran ee Warbaahinta iyo wada xiriirka oo maalintii 2-aad galay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka aqoon isweydaarsiga Wadatashiga istiraatijiyadda Qaran ee warbaahinta iyo wada xiriirka ( National Communication strategy ) ayaa maalintii labaad galay, kaas oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, waxaana ka qeyb galaya madaxda qeybaha Warfaafinta ee hay’adaha dowladdda Federaalka, gobolka Banaadir, Warbaahinta iyo qeybaha bulshada.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Ku-simaha Wasiirka mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-caddaala ayaa maanta ka qeyb-galay, isaga oo khubarada ka qeyb galaysa ku boorriyay in si wanaagsan loo qaadaa dhigo baahida bulshada ee la xiriirta farriimo wanaagsan , kuwaas oo ah kuwo mideysan oo sare u qaada isku xirka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026

Kulanka oo shalay Muqdisho ka furmay ayay ka qeyb galayaashu kaga doodayaan muddada uu socdo sidii loo abuuri lahaa istiraatiijiyad lagu hago warfaafinta dalka, taas oo ku salaysan baahida bulshada Soomaaliyeed.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa xusay in ay Wasaaraddu hore u samaysay xafiis mideeya farriimaha dowladda, kaas oo wax wayn ka qabtay in la helo akhbaar sax oo mideysan, kana tarjumaysa xogta rasmiga ah ee dowladdu ay la wadaageyso shacabka.

Wadatashigan qoridda istaraatiijiyadda ee shalay furmay waxaa xigaya wadatashiyo lala sameyn doono dowlad goboleedyada iyo hay’adaha kale ee muhiimka u ah dhismaha istaraatiijiyadda Qaranka ee Warbaahinta iyo wada xiriirka.

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo New York kaga qeybgalaya shir muhiim ah

Next Post

Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga oo hawlgalkii Jilib ku dhaawacay Horjooge Sare oo Khawaarijta ka tirsan

Next Post
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga oo hawlgalkii Jilib ku dhaawacay Horjooge Sare oo Khawaarijta ka tirsan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

October 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In