Thursday, April 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kullan looga hadlayo dib u eegista Arrimaha dastuurka oo ka furmay Baydhab+Sawirro

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Kullan looga hadlayo dib u eegista Arrimaha dastuurka oo ka furmay Baydhab+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026

Kullankan oo looga hadlayo dib u eegista dastuurka oo socon doona mudo saddex maalin ah ayaa maanta ka furmay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kullankan oo ay si wadajir ah u soo qaban qaabiyeen Wasaaradaha Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mida Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirada Dastuurka Maamul Goboleedyada dalka,Wakiilo ka socday Hay’adda Wadahadalka iyo dib u heshiisiinta ee CRD iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay munaasabada furitaanka shirka.

Ku simaha Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Ahna Wasiirka Amniga Mudane Xasan Xuseen Maxamed  (Eelaay) oo shirka furay ayaa sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo natiijada ka soo baxda shirka, Bulshadana ku qanci doonta.

C/llaahi Sheikh Xasan Wasiirka Dastuurka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ka hadlay madasha ayaa sheegay iney shirka ku marti qaadeen cid kasta oo mas’uul ah iyo Ururada Bulshada rayid si su’aalo wax ku ool ah Arrimaha dastuurka looga weydiiyo Wasiirka Dastuurka Dowladda Soomaaliya iyo Wasiirada kale ee maamul Goboleedyada ka socda ee shirka qeyb galaya.

Sidoo kale,Wasiir C/llaahi Sheikh Xasan ayaa hoosta ka xariiqay in Wasaaradda dastuurka u baahan tahay talada dadka,dadkana ay u baahan yihiin iney ogaadaan waxay Wasaaradda ka shaqeyso.

Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay in loo baahan yahay in dastuurka la gaarsiiyo dadka ku sugan degmooyinka,isagoona tilmaamay in haddii magaalooyinka keliya lagu hayo dad yar ay ka faa’ideysanayaan.

Wasiir Xoosh ayaa ujeedka shirka Baydhabo ku micneeyay in maadaama dastuurka uu yahay Heshiis bulsho la gaarsiiyo degmooyinka oo ay ku noolyihiin dadka ugu badan marka loo eego magaalooyinka.

Wasaaradda Arrimaha dastuurka Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa maal mahanba waxaa ay wadey Wada tashiyo ay la yeelaneyso cid waliba oo quseeysa hanaanka dib u eegista dastuurka Soomaaliya .

Previous Post

Golaha Wasiirada ee Maamulka Jubbaland oo ka hadlay Biyo la’aan ka jirta deeganada qaar iyo sal u dhiga hananka Canshuuraha Jubbaland iyo qodobo kale “SAWIRRO”

Next Post

Aqalka Sare oo ansixiyay xeerka Dhowridda Gobanimada iyo Midnimada Soomaaliya

Next Post
Aqalka Sare oo ansixiyay xeerka Dhowridda Gobanimada iyo Midnimada Soomaaliya

Aqalka Sare oo ansixiyay xeerka Dhowridda Gobanimada iyo Midnimada Soomaaliya

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In