Monday, October 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya oo fasiraad ka bixiyey iclaamintii xaalad dagaal

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mudane Xuseen Macalin oo ah La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa fasiraad ka bixiyey iclaamintii dagaalka ee 6dii April 2016.

Xuseen oo mar su’aal laga weydiiyey arrinta Xaalad Dagaal ayaa sheegay in aysan haba yaraatee micnahu aheyd Xaalad Deg-deg ah, hase yeeshee uu ku micneeyey inay tahay xaalad lagu xoojinayo ama lagu dar-dargelinayo dagaalka lagula jiro kooxaha argagaxisada ah ee Al-Shabaab. Xuseen ayaa sheegay in tallaabadan ay ku timid kaddib markii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo uu horey u ballan qaaday inuu mudnaan gaar ah siin doono arrimaha amniga, isla markaana ay suurtogashay in dib u habeyn lagu sameeyo Taliyeyaasha Ciidamada Dalka.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Xuseen oo hadalkiisa sii wada ayaa sheegay in Xaalad Dagaal ay micnaheedu tahay diyaar garow dhanka ciidamada ah si ay howlgal ballaaran u qaadaan iyo diyaar garow dhanka shacabka ah oo laga doonayo inay taageeraan oo garab-istaagaan ciidamada xilliga ay dagaalka ku jiraan.

Xuseen ayaa ugu danbeyntii sheegay in micnaha Xaalad Dagaal aysan marnaba la mid aheyn Xaalad Deg-deg ah (State of Emergency), sababtuna waxey tahay Xaalad Deg-deg ah waa marka khatar weyn  ay soo wajahdo dalka, taas oo u baahan in dhammaan hay’adaha Dowliga ah inay ka wada tashtaan oo waxaa jira nidaam loo maro oo ugu dambeyntana Baarlamaanka Soomaaliya uu yahay hay’adda soo saari karta Xaaladda Deg-dega ah si uu Madaxweynahu dekreeto ugu soo saaro.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kulamo la qaatay Wafdi ka socda Qatar iyo Safiirka Norway ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post

Taliyaha Hey’adda NISA oo xilka la wareegay-Sawirro

Next Post
Taliyaha Hey’adda NISA oo xilka la wareegay-Sawirro

Taliyaha Hey’adda NISA oo xilka la wareegay-Sawirro

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In