Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Labo eedeysane oo ka tirsanaa Daacish oo ka soo hor-muuqday Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida+Sawiiro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Labo eedeysane oo ka tirsanaa Daacish oo ka soo hor-muuqday Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida+Sawiiro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Aadan Maxamed Cali iyo Cabdishakuur Xaaji Barsanji ayaa markii labaad ka soo muuqday Maxkamada Ciidamada Qalabka sida,Maxkamada ayaa balamisay fadhigii kan ka horeeyay in xafiiska Xeer ilaalinta la yimaadaan marqaatiyaasha iyo cadeymaha Kiiskan ku xusan.

Hay’adda dambi baarista Booliska CID-da ayaa fursad loo siiyay iney sharaxaan Kiisas shan ah oo ku xusan gal dacwadeedka eedeysanaha koowaad iyo kaalinta eedeysanaha labaad.

Related posts

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026

Labadan eedeysane ayaa si wada jir waxaa loogu eedeynayaa iney ka wada tirsan yihiin Ururo Hubaysan oo lid ku ah awoodaha qaranka , gaar ahaan kooxda Daacish.

Eedeysane Aadan Max’ed Cali ayaa waxaa si gaar ah loogu eedeeyay inuu ka tirsan yahay Kooxda Daacish una qaabilsanaa Qeybta fulisa dilalka qorshaysan.,wuxuuna ka soo howlgalay Gobolada Banaadir Iyo Bari,   qaybna ka ahaa fulinta dilalka soo socd:-

1. Taariikhdu markay ahayd 24/09/2018  , waxaa  Boosaaso ku dishay Ex-Marxuum L/x/le Axmed Hurfe Jaamac Barre oo ahaa  Taliyahii Gaadiidka Madaxtooyada Puntland.

2.Taariikhdu markay ahayd 25/10/2018 , waxaa sidoo kale Magaalada  boosaaso   ku dishay Marxuum C/raxmaan  Aadan Cali oo ahaa ganacsade sharaab ku iibin jiray Magaalada.

3.Taariikhdu markay ahayd 19/01/2019 waxaad degmada H/wadaag ku dishay labo marxuum oo lagu kala magacaabi jiray Marxuum Axmed Max’ed Nuur (Axmed Shiikhaal) oo ahaa Guddoomiye Laameed iyo Marxuum C/laahi Muxumed Cali (C/laahi dheere).

4.Taariikhdu markay ahayd 27/01/2019 waxaad Degmada Yaaqshiid  ku dishay Ex-Marxuum D/le X. Axmed Cabdi Xuseen, iyadoo Ciidamada amnigu ay kusoo qabteen kadib markii uu dhaawac kaa soo gaaray fulinta dilka marxuumka.

Sidoo kale, eedeysane C/shakuur Xaaji Barsanji ayaa waxaa si gaar ah loogu eedeeyay inuu ka tirsan yahay kooxda Daacish,isagoona eedeysanaha koowaad gacan ka siiyay  inuu ka baxsado gacanta ciidamada amniga,islamarkaana uu Cisbitaal geeyay dhaawiciisa.

Guddoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute oo soo xiray fadhiga Maxkamada ayaa sheegay in dhageysiga gar-maqalka labadan eedeysane intaa uu ku dhammeystiran yahay,islamarkaana ay Maxkamada go’aan ka soo saari doonto.

Edited:- Abdulkadir Isse

Previous Post

Mid ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Buuraha Goolis

Next Post

Xaaladda Caafimaad ee Dhaawacyadii loo qaaday dalka Qatar oo soo hagaageysa”Dhageyso”.

Next Post
Xaaladda Caafimaad ee Dhaawacyadii loo qaaday dalka Qatar oo soo hagaageysa”Dhageyso”.

Xaaladda Caafimaad ee Dhaawacyadii loo qaaday dalka Qatar oo soo hagaageysa"Dhageyso".

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

October 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta qaabilay Safiirka cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In