Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xarunta Madaxtooyadda ku qaabilay wafdi ka socday Dowladda Turkia oo Baydhabo usoo gaaray sidii gargaar ay u gaarsiin lahaayeen dadka danta yar ee ku nool Magaaladda Baydhabo.
Madaxweyne Laftagareen ayaa Dowladda Turkiga uga mahadceliyay wafdiga ay u soodireen, maadaama ay deegdan soo gaarsiiyeen xilli loo baahnaa, isagoona sheegay in sida ugu dhoqsiyaha badan loo gaarsiin doono dadka tabaaleesan ee ku dhaqan magaalada Baydhabo.