Monday, October 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Leyli saraakiil oo tababbar ku soo qaatay dalka Jabuuti oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Leyli saraakiil oo tababbar ku soo qaatay dalka Jabuuti oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

S/Guuto Axmed Dayib Axmed (Dhegacaleen) iyo Saraakiil uu hoggaaminaayo ayaa maanta gegida Diyaaradaha caalamiga Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde) ku soo dhoweeyey tiro ciidan leyli Saraakiil oo ka tirsan Ciidanka Booliska oo tababbar shan bilood ku soo qaatay Dalka Jabuuti.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Ciidamada tababbarka u soo dhamaaday ee maanta dalkooda dib ugu soo laabtay ayaa qeyb ka noqonaya ciidamada loogu talagalay inay ka qeyb qaataan sugidda amniga dalka, waxaana hadal dar daaran ah oo uu u jeediyay ciidankan Sareeyo Guuto Axmed Dayib Axmed uu ku aadanaa sidii ay shacabkooda ugu adeegi lahaayeen oo ay u fulin lahaayeen tababbarka loo siiyay inay cadowga ka difaacaan.

“Waxaa idin soo dhamaatay tababbar ciidan oo muddo shan bil ah oo aad ku soo qaadateen dalka Jabuuti, xaqiiqdii waa tallaabo lagu farxo in taliska booliska uu markasta xoogga saaro tayeynta iyo dib u habeynta ciidanka booliska, waxaana idinkula dar daarmayaa inaad shacabkiina ugu adeegtaan waxyaabaha la idin soo baray” ayuu yiri Sareeyo Guuto Axmed Dhagacaleen.

Taliska ciidanka booliska ayaa dadaal u galay sidii booliska looga dhisi lahaa dhan waliba xagga aqoonta iyo xag tababbar ciidan, maadaama ay yihiin saaxiibka koowaad ee shacabka, isla markaana ay har iyo habeenba u taaganyihiin ilaalinta sharciga.

Previous Post

Taliska CXDS oo soo saaray amaro lagu xakameynayo dhaq dhaqaaqa ciidanka XDS ee caasimadda

Next Post

Wasiirka Gaashaandhigga oo kormeer ku tagay Xerada Ciidanka Damaayo oo dhisme lagu wado “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Gaashaandhigga oo kormeer ku tagay Xerada Ciidanka Damaayo oo dhisme lagu wado “SAWIRRO”

Wasiirka Gaashaandhigga oo kormeer ku tagay Xerada Ciidanka Damaayo oo dhisme lagu wado "SAWIRRO"

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In