Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maalinta Caalamiga ee Gabdhaha & Teknoolojiyada oo lagu xusay daahfurka Barnaamij u gaar ah gabdhaha

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Maalinta Caalamiga ee Gabdhaha & Teknoolojiyada oo lagu xusay daahfurka Barnaamij u gaar ah gabdhaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Aqoon-is-weydaarsi lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee ee Gabdhaha iyo Teknoolojiyada (ICT) ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo munaasabaddaasna looga dhawaaqay barnaamij lagu kobcinayo gabdhaha bartay ICT-da ee a baxay jaamacadaha dalka.

Kulankan oo ay soo qabanqaabisay Barnaamijka Fursad ee hoos taga Hay’adda Iftin Foundation oo kaashaneysa Somali REN iyo Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ayaa looga gol lahaa in dawladda, bahda waxbarashada iyo ganacsatadaba lagu dareensiiyo caqabadaha ay la kulmaan gabdhaha barta ICT-da.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

C/qaadir Macallin Maxamed oo maareeye ka ah Fursad ayaa soo jeediyay daraasad ay ka sameeyeen gabdhaha culuumta ICT ka dhammeeyay 23 jaamacadood oo ku kala yaalla Puntland, GalMudug, HirShabelle, Benaadir, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, taasi oo muujineysa in 1,233 ardey oo ICT dhammeysay sanadkii 2017 in 115 ka mid ah (oo dhiganta 9%) ay gabdho yihiin. Wuxuu intaasi ku daray in gabdhahaas tirada yar ee soo baxay ay dhibaatooyin dheeri ah kala kulmaan sidii ay shaqooyin u heli lahaayeen.

Safiya Xasan Abshir oo ku hadleysay magaca gabdhaha munaasabadda joogay ayaa sheegtay in caqabadaha haysta gabdhaha bartay ICT ay ka badan yihiin kuwa bartay culuumta kale. Waxay intaasi raacisay in ICT labs oo yar, shaqo-barasho (internships) oo aan jirin iyo kala-go’naan ka dhexeysa suuqa iyo waxa jaamacadda lagu barto ay keeneen in wixii ay jaamacadda ku soo barteen aysan xiriir la lahayn waxa looga baahan yahay suuqa shaqada.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada oo aqoonis-weydaarsiga soo xiray ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay xogta la soo bandhigay ee ka hadleysa waxbarashada gabdhaha ee ICT-da iyo sida ay shaqooyinka ku helaan. Wuxuu sheegay inuu caqabadahaas qaar ka mid ah kala kulmay Wasaaradda oo gabdhaha ICT bartay ee ka shaqeeya ay ka yar yihiin 1%.

Wasiirku wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay in gabdhuhu yihiin hal-abuurayaal cajiib ah oo soo hindisi kara waxyaabo xal u noqon kara qaar ka mid ah dhibaatooyinka na haysta haddii la siiyo agabka ay u baahan yihiin iyo jawi ku habboon. Wuxuu yiri “Wasaaraddu diyaar bay u tahay inay iska kaashadaan jaamacadaha iyo shirkadaha ganacsiga, si gaar ah kuwa isgaarsiinta iyo internetka, sidii wax looga qaban lahaa caqabadahan”.

Wuxuu Wasiirku ka hadlay in guulihii laga gaaray bilihii la soo dhaafay ansixinta Sharciga Isgaarsiinta iyo soo-wareejinta astaanta internetka, iyo adeegsiga xargaha internetka inay abuuri doonaan fursado hor leh oo ka dhigi doonta in shaqooyinka ICT-du noqdaan kuwa ugu mushaarka badan, aadna loo xiiseeyo, isagoo intaasi ku daray inay ka shaqeyn doonaan sidii aysan gabdhuhu fursadahaas uga qadi lahayn oo qeybta ay xaqa u leeyihiin ay uga heli lahaayeen.

“Waa inaan haweenka jecleysiinaa teknoolojiyada si ay uga faa’iideystaan. Waxay ka faa’iideysan karaan caafimaadka, waxbarashada, iwm. Haddaba waa inaan ku dhiirrigelineynaa sidii gabdhuhu ay qeyb uga noqon lahaayeen horumarkaas aan higsaneyno, oo aysan uga harin bulshada inteeda kale” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

DHAMMAAD

Previous Post

Mayor of Mogadishu launched Taakulo Campaign for the month of Ramadan

Next Post

Girls in ICT Day celebrated in Somalia with the launch of an ICT initiative

Next Post
Maalinta Caalamiga ee Gabdhaha & Teknoolojiyada oo lagu xusay daahfurka Barnaamij u gaar ah gabdhaha

Girls in ICT Day celebrated in Somalia with the launch of an ICT initiative

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In