Friday, January 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maalinta Caalamiga ee Gabdhaha & Teknoolojiyada oo lagu xusay daahfurka Barnaamij u gaar ah gabdhaha

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Maalinta Caalamiga ee Gabdhaha & Teknoolojiyada oo lagu xusay daahfurka Barnaamij u gaar ah gabdhaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Aqoon-is-weydaarsi lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee ee Gabdhaha iyo Teknoolojiyada (ICT) ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo munaasabaddaasna looga dhawaaqay barnaamij lagu kobcinayo gabdhaha bartay ICT-da ee a baxay jaamacadaha dalka.

Kulankan oo ay soo qabanqaabisay Barnaamijka Fursad ee hoos taga Hay’adda Iftin Foundation oo kaashaneysa Somali REN iyo Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ayaa looga gol lahaa in dawladda, bahda waxbarashada iyo ganacsatadaba lagu dareensiiyo caqabadaha ay la kulmaan gabdhaha barta ICT-da.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026

C/qaadir Macallin Maxamed oo maareeye ka ah Fursad ayaa soo jeediyay daraasad ay ka sameeyeen gabdhaha culuumta ICT ka dhammeeyay 23 jaamacadood oo ku kala yaalla Puntland, GalMudug, HirShabelle, Benaadir, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, taasi oo muujineysa in 1,233 ardey oo ICT dhammeysay sanadkii 2017 in 115 ka mid ah (oo dhiganta 9%) ay gabdho yihiin. Wuxuu intaasi ku daray in gabdhahaas tirada yar ee soo baxay ay dhibaatooyin dheeri ah kala kulmaan sidii ay shaqooyin u heli lahaayeen.

Safiya Xasan Abshir oo ku hadleysay magaca gabdhaha munaasabadda joogay ayaa sheegtay in caqabadaha haysta gabdhaha bartay ICT ay ka badan yihiin kuwa bartay culuumta kale. Waxay intaasi raacisay in ICT labs oo yar, shaqo-barasho (internships) oo aan jirin iyo kala-go’naan ka dhexeysa suuqa iyo waxa jaamacadda lagu barto ay keeneen in wixii ay jaamacadda ku soo barteen aysan xiriir la lahayn waxa looga baahan yahay suuqa shaqada.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada oo aqoonis-weydaarsiga soo xiray ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay xogta la soo bandhigay ee ka hadleysa waxbarashada gabdhaha ee ICT-da iyo sida ay shaqooyinka ku helaan. Wuxuu sheegay inuu caqabadahaas qaar ka mid ah kala kulmay Wasaaradda oo gabdhaha ICT bartay ee ka shaqeeya ay ka yar yihiin 1%.

Wasiirku wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay in gabdhuhu yihiin hal-abuurayaal cajiib ah oo soo hindisi kara waxyaabo xal u noqon kara qaar ka mid ah dhibaatooyinka na haysta haddii la siiyo agabka ay u baahan yihiin iyo jawi ku habboon. Wuxuu yiri “Wasaaraddu diyaar bay u tahay inay iska kaashadaan jaamacadaha iyo shirkadaha ganacsiga, si gaar ah kuwa isgaarsiinta iyo internetka, sidii wax looga qaban lahaa caqabadahan”.

Wuxuu Wasiirku ka hadlay in guulihii laga gaaray bilihii la soo dhaafay ansixinta Sharciga Isgaarsiinta iyo soo-wareejinta astaanta internetka, iyo adeegsiga xargaha internetka inay abuuri doonaan fursado hor leh oo ka dhigi doonta in shaqooyinka ICT-du noqdaan kuwa ugu mushaarka badan, aadna loo xiiseeyo, isagoo intaasi ku daray inay ka shaqeyn doonaan sidii aysan gabdhuhu fursadahaas uga qadi lahayn oo qeybta ay xaqa u leeyihiin ay uga heli lahaayeen.

“Waa inaan haweenka jecleysiinaa teknoolojiyada si ay uga faa’iideystaan. Waxay ka faa’iideysan karaan caafimaadka, waxbarashada, iwm. Haddaba waa inaan ku dhiirrigelineynaa sidii gabdhuhu ay qeyb uga noqon lahaayeen horumarkaas aan higsaneyno, oo aysan uga harin bulshada inteeda kale” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

DHAMMAAD

Previous Post

Mayor of Mogadishu launched Taakulo Campaign for the month of Ramadan

Next Post

Girls in ICT Day celebrated in Somalia with the launch of an ICT initiative

Next Post
Maalinta Caalamiga ee Gabdhaha & Teknoolojiyada oo lagu xusay daahfurka Barnaamij u gaar ah gabdhaha

Girls in ICT Day celebrated in Somalia with the launch of an ICT initiative

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta ka qeybgalay...

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hussein Ali Haji, ayaa maanta ka degay...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

January 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad...

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

January 22, 2026
0

Waxaa Magaaladda Moqdisho lugu soo xiray Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha, oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In