Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maalinta qorista iyo akhriska adduunka oo laga xusay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Maalinta qorista iyo akhriska adduunka oo laga xusay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankaan maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa ahaa mid lagu maamuusayay maalinta qorista iyo akhriska adduunka, waxaana ka qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada aqoonyahanno, ardayda Jaamacadaha iyo dadweyne kale .

Kulanka ayaa kooxda fanka ee Iftin waxaa ay ku soo bandhigtay suugaan ka turjumeysa muhiimadda waxbarashada iyo sida ay bulshada muhiimka ugu tahay.

Related posts

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026

Prof Aadan Guuleed Shabeel iyo qabiir saxaafadeed Cabdi Xaaji goobdoon ayaa ka mid ahaa dadkii ka hadlay goobta oo ka faalooday ahmiyadda ay leedahay wax qorista iyo akhrinta.

“Aanu goosano sidii agaasimuhu u yiri qof walbow ku dadaal hal qof in aad wax barto, akhriska iyo qorista farta, Hotelada taga magaalada mara tabeelayaasha akhriya gobolkii banaadir aaway luuqaddii dhulkaa lagu daray anaga akadeemiyad goboleedka horumarinta afka Soomaaliga waxaanu rajeyneynay in gobolka Banaadir nagu gacan siin doono ilaalinta afka”

Agaasimaha Wasaaradda Waxbarashada Maxamed Cabdulqaadir Nuur oo hadal ka jeediyay kulankaas ayaa waxaa uu ku dheeraaday ka hadalka muhiimadda waxbarashada iyo dhibaatada waxbarasho la’aanta dalka ka jirta, waxaana uu ku baaqay in laga wada qayb qaato la dagaalanka Jahliga.

“Hadii anaga qaar naga mid ah ay aad u sareeyaan oo ay BHD wataan 100% , 90 na aysan waxba akhrin karin qorina karina, wax muhiimad ah manoo lahan, horumarna kuma gaari karno, marka si aan horumar u gaarno aan adduunyada ula tartano aan go’aankaas qaadano”ayuu yiri Agaasimaha.

Munaasabadaan oo ay ka hadleen aqoon yahano badan oo waqti dheer howlaha waxbarashada ku soo jiray ayaa gaba gabadii waxaa ka hadlay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka mudane Xaamud Cali Xasan, waxaana uu sheegay in Wasaaraddu ay dadaal dheer ku bixineyso tayeynta Waxbarashada iyo sidii waxbarasho loogu heli lahaa dhalaanka u baahan”.ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay dhawaanahaanba dadaal ugu jirtay sidii waxbarashada dalka loo tayeyn lahaa, iyadoo dalka ay aad ugu badan yihiin dadka aan fursadaha u helin waxbarashada ama duruufuhu u diideen,  waxaana xusid mudan in dowladda dhexe markii ugu horeysay hirgelisay iskuulaad si lacag la’aan ah carruur badan ay wax uga baranayaan in kastoo ay u baahan tahay in dabagal lagu sameeyo sida ay u shaqeeyaan iskuulaadkaasi.

Previous Post

Maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo laga taageeray Beladweyne “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In