Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maalintii labaad oo Muqdisho uu ka socdo Kulanka wadatashiga Astaynta Awoodaha Heerarka Dowlada

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Maalintii labaad oo Muqdisho uu ka socdo Kulanka wadatashiga Astaynta Awoodaha Heerarka Dowlada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa maalintii labaad ka socdo magaalada Muqdisho kulanka Wadatashiga Asteynta Awoodaha Heerarka Dowlada, shirka ayaa waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u hishiisiinta Soomaaliya.

 

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

Kulankan maanta ayaa waxaa goob joobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud, Agaasime Waaxeed-yada, howladeenada sare ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dib u hishiisiinta, waxaa kaloo ka soo qeyb galay masuuliyiin ka socotay wasaaradaha dowladda Dhexe, Ururada bulshada Rayidka, maamulka Gobolka Banaadir, Guddiga Xuduudaha & Federaalka iyo marti sharaf kale.

Ka soo qeyb-galayaasha shirka ayaa aragtiyo iyo talo bixin ka dhiibtay awoodaha ama mas’uuliyadaha ugu haboon oo ay kala yeelan karaan heerarka dowladda, ha ahaado heer Federal ama heer Dowlad Goboleed, si bulshadda Soomaaliyeed loogu fududeeyo, loona gaarsiiyo adeegyada dowladda.

Ujeedada shirka ayaa ah in Mas’uuliyadda fulinta adeegyada Dowladda loo dhiibaa hadba heer xukuumadeedka awood ku filan u leh, sida ugu wax-ku-oolsana u fulin karta, uguna dhow muwaadinka adeega loo qabanaayo, taasi oo abuuri karta in mawaadinku kula xisaabtami karo heerarka dowladda waxii mas’uuliyad ah ee ka saaran in ay fuliyaan.

Maalinta berito ah ayaa lagu wadaa in la soo xiro shirka, islamarkaana la soo bandhigo talabixinada ka soo qeyb-galayaasha ee ku aadan awoodaha ama mas’uuliyadaha ugu haboon oo ay kala yeelan karaan heerarka dowladda, (heer Federal & heer Dowlad Goboleed).

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dib u hishiisiinta Soomaaliya ayaa waxaa ka go’an in arrin walba oo saameyn ku yeelanaysa nolosha iyo masiirka ummadda Soomaaliyeed in mawaadinka laga talo geliyo, lana dhegeysto fikradahooda.

Previous Post

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo Xukun dil ah ku riday Dhagar qabayaal Qaraxyo iyo Dilal geystay March 20, 2019

Next Post

Bulshada Gobolka Mudug oo ku baaqay in la joojiyo Colaadda ka jirta Xeraale iyo Cadalle

Next Post
DAAWO: Wasaaradda Arrimaha gudaha oo ku baaqday joojinta colaadda gobolka Hiiraan

Bulshada Gobolka Mudug oo ku baaqay in la joojiyo Colaadda ka jirta Xeraale iyo Cadalle

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In