Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Arday Abaaraha lacag ugu deeqday”SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Arday Abaaraha lacag ugu deeqday”SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka Dugsiga hoose, dhexe iyo sare ee ILEYS ACADEMY ee magaalada Muqdisho iyo ardeyda dugsigaas ayaa maanta deeq lacageed ku wareejiyay guddiga gurmadka abaaraha Qaranka Soomaaliya, si loo gaarsiiyo dadka ay saameeyeen abaaraha.

Deeqdan oo gaaraysa kun doolar iyo 300 oo kun oo shillinka Soomaaliga ah ayaa waxaa iska soo uruuriyay maamulka iyo ardeyda dugsiga ILEYS ACADEMY, waxaana deeqda lacageed loogu talo galay in wax loogu qabto dadka ay abaaraha ku saamaayeen gobollo ka tirsan dalka, iyadoo fikirka deeqda ay lahaayeen ardeyda Iskuulka.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Maamulaha dusgiga ILEYS ACADEMY, C/naasir Cali Maxamed iyo Dr Cabdixaliim Cabdullahi Sahal oo ah ku-xigeenkiisa ayaa labaduba sheegay in deeqdan lacageed ay tahay billow fiican, isla markaana ay sii wadi doonaan howlaha noocani ah oo kale.

“ Runtii arrintan waa billow, waan jecleyn in wax intaan ka badan in aan ugu deeqno dadka ay abaaraha saameyeen, waan ka xunnahay musiibada haysata dadkaas, waxaana fikirka arrintan uga mahadcelineynaa ardeyda iskuulka oo garowsaday in ay caawiyaan walaalahood Soomaaliyeed”ayay yiraahdeen

Qaar kamid ah ardeyda dugsiga oo dareenkooda ka hadlaya ayaa xusay in ay ku faraxsanyihiin in ay caawimaad billow ah u sameeyaan dadka ay abaaraha kula dhufteen gobollo ka tirsan Soomaaliya, iyagoo ardeyda asaagooda ah ku booriyay in ay ku daysadaan dugsiga ILEYS.

Sheekh Aadam Sheekh Cilmi iyo Khadiijo Ciise Faracadde oo ka tirsan guddiga gurmadka abaaraha Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay deeqda lacageed ee ay ka heleen maamulka iyo Ardeyda Dugsiga ILEYS ACADEMY, iyagoo sheegay in ay gaarsiin doonaan dadka loogu talo galay.

“Waan ku faraxsanahay deeqdan ay iska soo uruuriyeen maamulka iyo ardeyda dugsigan, in carruurtan yaryar ay sidaan u fakaraan waa wax loo baahnaa, waxaana ay sameyn kartaa tallabadaan oo kale in ay ku dhiiradaan ardeyda asaagooda ah”.

Tallaabadan ay sameeyeen maamulka iyo ardeyda Dugsiga hoose, dhexe iyo sare ILEYS ACADEMY ee magaalada Muqdisho ayaa noqonaysa mid ku dayasho mudan, maadaama iskuulkan uu sameeyay billow fiican.

DSC02123 DSC02125 DSC02127 DSC02129 DSC02130 DSC02138 DSC02144 DSC02149 DSC02152 DSC02155 DSC02159 DSC02163 DSC02164 DSC02167 DSC02169 DSC02171 DSC02172 DSC02176 DSC02181 DSC02184 DSC02185 DSC02186 DSC02187 DSC02190 DSC02193 DSC02194 DSC02198 DSC02199 DSC02200

Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir

Previous Post

Waxqabadka Dawladda ee Isbuucii tagay”SAWIRRO”

Next Post

Guddoonka barlamanka oo xal ka gaaray soo jeedin ka dhan aheyd shirka Jowhar

Next Post
Kulanka Baarlamaanka Oo Goor Dhow Soo Gabagaboobay Iyo Beri Oo Mar Kale Loo Balamay Su’aallo Weydiin

Guddoonka barlamanka oo xal ka gaaray soo jeedin ka dhan aheyd shirka Jowhar

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In