Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed oo ku heshiiyay iskaashi labada dhinac ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Maamulada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed oo ku heshiiyay iskaashi labada dhinac ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo maanta shir  uga furmay magaalada Baydhabo ayaa kaga wad hadlay arrimo badan oo ku saabsan iskaashi dhex mara labada dhinac.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Qorsheynta iyo maalgashiga ee dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ayaa waxaa kaloo ka qeyb galay Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, Wasiirada labada dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle, Safiirka Midowga Yurub e Soomaaliya, Safiirka Sweden ee Soomaaliya iyo xubno kale oo shirka lagu casuumay.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Shirkan oo socon doona muddo labo cisho ah ayaa lagu soo bandhigo doonaa kaabayaasha dhaqaale ee ay leeyihiin labadaas maamul, gaar ahaan dhanka wax soo saarka beeraha.

Wasiirka Qorsheynta iyo maalgashiga ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Mudane Maxamed Nuur Madoobe Nunow ayaa sheegay in labada Maamul ay ku heshiiyeen sidii wada jir looga qeyb qaadan lahaa la dagaallanka argagixisada Al-Shabaab, dib u dhiska waddooyinka labada maamul iyo iskaashiga kaabayaasha dhaqaalaha.

“Ajandaha shirka waxa uu ahaa oo aan kala hadleynay Midowga Yurub  xoojinta amnigaguud ee labada dowlad goboleed, xasilinta Nabadgelyada, iskaashiga dhaqaale oo ay yeeshaan labada dowlad goboleed, gaar ahaan horumarinta xannaananada xoolaha, horumarinta beeraha, horumarinta kalluunesiga, dhismaha waddooyinka isku xira labada maamul iyo  ka hortagga fatahaadda ka dhalata webiga Shabeelle” ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta Koonfur Galbeed.

Previous Post

Golaha Aqalka Sare oo meel mariyay sharciga saxaafadda Qaranka “SAWIRRO”

Next Post

Jidgooyooyin sharci darro ah oo yiilay deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha dhexe oo lagu guuleystay in la cirib tiro

Next Post
Doorashada madaxweynaha Hirshabeele oo saaka dhacaysa iyo amniga Jowhar oo aad loo adkeeyey

Jidgooyooyin sharci darro ah oo yiilay deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha dhexe oo lagu guuleystay in la cirib tiro

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In