Guddoomiyaha Deegaanka Bajeela ee Koonfurta Gobolka Mudug Maxamed Shuuke iyo xubno maamulkiisa ka tirsan ayaa maanta kormeer loogu kuurgalayay xaaladaha Amni ku tagay Deegaannada Baargaale, Tixiri, Buurgaabo ,Gal-agoon, Galteero, kuwaas dhamaan Deegaanadaas waxay xigaan aagga furintaa
Dhamaan Deegaanadaas maanta uu booqday Guddoomiye Shuuke waxaa lagu dagay Roob dhawaan halkaas ka Da,ay iyadoo xoolo dhaqato soo hayaamay ay deegaamaysanayaan
Guddoomiyaha Deegaanka Bajeela Maxamed Shuuke ayaa waacyigalin u sameeyay Bulshada Deegaannadaas, isagoo kula dardaarmay inay xoolahooda Difaacdaan si aysan Maleeshiyaadka Al-Shabaab kaga dhicin wuxuuna ku wareejiyay sanad ciidan
Maleeshiyaadka Al Shabaab ayaa kal hore dhacay ku dhawaad 700 oo neef Geela sidoo kalena waxay Afgduubteen 11 ruux kuwaas oo wali gacanta Maleeshiyaadkaas ku maqan.