Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka degmada Dharkeenleey oo ka digay in qashinka lagu shubo waddooyinka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Maamulka degmada Dharkeenleey oo ka digay in qashinka lagu shubo waddooyinka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka Degmada Dharkenley ee gobolka ayaa bilaabay olole nadaafadeed oo qashinka looga qaadayo xaafadaha degmada, iyagoo kaashanaya shacabka halkaasi ku nool, waxaana Gudoomiyaha iyo ku xigeenadiisa ay kormeer ku tageen goobaha ay ka socdeen ololaha nadaafadeed, ganacsataduna lagu amray inan nadiifiyaan afaafka hore goobaha ay ku ganacsanayaan.

Guddoomiyaha degmada Dharkeenleey Cumar Mayre Macaw oo Warhaabinta Qaranka kula hadlay mid ka mid ah goobaha howsha nadaafadu ka socotay ayaa sheegay in ujeedku yahay dib u soo celinta bilicda, waxaana uu dadka degmada ugu baaqay in laga wada qayb qaato howshaasi.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

“Waxaan aad ugu faraxsanahay maanta in hareeraheyga ay taagan yihiin dadkii reer Dharkeenleey oo dhan oo ka qayb qaadanaya nadaafada degmada, Wadada Jaalle Siyaad ee dhex marta Degmada in kastoo ay u baahan tahay dib u dayactir, hadana nadaafadeeda 100% ayaan ku dadaaleynaa”ayuu yiri Meyre .

Xiriiriyaha maamulka gobolka Banaadir ee degmooyinka Muqtaar Axmed Dhagacade ayaa maamulka degmada iyo shacabka ku amaanay qaabka ay u wajaheen nadaafada degmada Dharkeenleey, waxaana uu dhanka kale u sheegay in ciidda kadib uu tartanku si rasmi ah u bilaaban doono.

“Shaqo wanaagsan baad ka wadaan halkaan runtii Dharkenley waxaa ay ka mid tahay degmooyinka ugu horeeya dhanka nadaafada, maamulka iyo shacabka waan idinku amaanayaa howshaan, waxaan rabaa in aan idiin sheego muddo saddax maalin ah waa la joojiyay howsha nadaafada, maalinta Axadda ah ayuu tartanku bilaabanayaa hadii uu Alle idmo”ayuu yiri Dhagacadde.

Dhawaan ayay ahayd markii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” uu ku dhawaaqay in guddoomiyaasha 17 degmo ee gobolka lagu tartansiin doono naadaafada qaabka ay wax uga qabtaan, isla markaana abaal marino la guddoonsiin doono ciddii ku guuleysata.

DSC05107 DSC05109 DSC05110DSC05114 DSC05117 DSC05122 DSC05123 DSC05127 DSC05150 DSC05154 DSC05157 DSC05175 DSC05180DSC05197 DSC05198 DSC05204 DSC05213DSC05219 DSC05236 DSC05248 DSC05258 DSC05260DSC05265 DSC05268DSC05274DSC05294 DSC05308 DSC05322 DSC05326 DSC05332 DSC05340Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir

Previous Post

Gabdho ku mideysa urur samafal oo deeq dhar iyo lacag u qeybiyay haween “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso warka Duhur ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In