Tuesday, March 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Degmada Dharkeenleey oo la guddoonsiiyay qalab Isboorti

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
DAAWO-Banaanbax looga soo horjeedo Sawir Gacmeedyo lagu aflagaadeeyay Nabi Muxamed NNKH oo Muqdisho lagu qabtay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mamulka degmada dharkeenleey ayaa qalab Isboorti, mid nadaafadeed iyo mid Waxbarasho ka gudoomay mashruuca Danguud, iyadoo guddoomiyaha degmada dharkeenleeyna uu sheegay in qalabkaan wax loogu qaban doona bulshada iyo dhallinyarada degmadaasi ku nool, si loo horumariyo adeegyada bulshada ee Degmadaasi.

Munaasabada qalabkan loogu wareejinayay Maamulka Degmada Dharkeenleey oo lagu qabtay xarunta Degmadaasi ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Banaadir ee dhanka Arrimaha bulshada, xoghayaha guud ee Gobolka Banaadir qaar kamid ah Guddoomiyaasha Degmooyinka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, iyadoo intii ay munaasabadda socotay goobta lagu soo bandhigay suugaan iyo Riwaayado ka tarjumaya horumarka Degmada.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026

Guddoomiyaha Degmada Dharkenley Cumar Meyre Macow ayaa uga mahadceliyay Mas’uuliyiinta Gobolka Banaadir ee qalabka ku wareejiyay, wuxuuna sheegay in qalabka lasoo gaarsiiyay ay ku wareejin doonaan waaxyaha Degmada, si adeegyada bulshada sare loogu qaado

“Maanta xafladan waxaa ogsoontihiin inay ka soo qeybgaleen Maamulka Gobolka Banaadir guud ahaantiis iyo bulshooyin kala duwan, waxaan halkan ku qabanay munaasabad micno badan mashruuca Danguud ee gobolka Banaadir wuxuu nasoo gaarsiiyay qalab isugu jira qalab nadaafdeed, mid waxbarasho, mid caafimaad iyo mid Isboorti, afatraas qeyb oo bulshada aasaaska u ah ,waxaan helnay 300 oo cayaartooy qalab loogu talagalay oo ka kooban jaakado, fanaanado. saraawiil iyo banooniyaal, kuwaasi oo isugu jira kolleyga iyo kubadda cagta sidookale saddex iskuul qalab loogu talagaly ayaa nalaoso gaarsiiyay oo qalimaan iyo buug isugu jira, waxaana guddoonsiineynaa saddexda Iskuul eek ala ah badbaadi 1 ,badbaado 2 iyo Iskuulka dhame Yaasiin Cartan oo dowladdu ay leedahay, sidookale saddex sariir oo ah kuwa umulinta loogu talagaly ayaan helnay waxaana ku wareejineynaa xarunta hooyada iyo dhallaanka ee degmada Dharkenleey” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Gabagabadii munaasabada ayaa waxaa ka hadlay Gudoomiye ku-xigeenka Gobolka Banaadir ee dhanka arrimaha bulshada Mudane Iimaan Nuur Iikar oo amaanay horumarka ay degmadu ku talaabsatay ee dhinacyada amniga iyo adeegyada bulshada.

Previous Post

Guddiyada Xuduudaha iyo Doorashooyinka oo la Dhaariyay

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qayb galay munaasabadda maamuuska iyo abaalmarinta barnaamijka “Daaci...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS oo si KMG ah maamul cusub ugu magcaawday Gobolka Shabeellada Hoose.

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

March 30, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho ku qaabishay ku xigeenka xafiis...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

March 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay danjireyaasha iyo wakiillada hay'adaha caalamiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In