Friday, December 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Degmada Dharkeenleey oo la guddoonsiiyay qalab Isboorti

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
DAAWO-Banaanbax looga soo horjeedo Sawir Gacmeedyo lagu aflagaadeeyay Nabi Muxamed NNKH oo Muqdisho lagu qabtay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mamulka degmada dharkeenleey ayaa qalab Isboorti, mid nadaafadeed iyo mid Waxbarasho ka gudoomay mashruuca Danguud, iyadoo guddoomiyaha degmada dharkeenleeyna uu sheegay in qalabkaan wax loogu qaban doona bulshada iyo dhallinyarada degmadaasi ku nool, si loo horumariyo adeegyada bulshada ee Degmadaasi.

Munaasabada qalabkan loogu wareejinayay Maamulka Degmada Dharkeenleey oo lagu qabtay xarunta Degmadaasi ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Banaadir ee dhanka Arrimaha bulshada, xoghayaha guud ee Gobolka Banaadir qaar kamid ah Guddoomiyaasha Degmooyinka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, iyadoo intii ay munaasabadda socotay goobta lagu soo bandhigay suugaan iyo Riwaayado ka tarjumaya horumarka Degmada.

Related posts

Marwada Madaxweynaha JFS oo ka codkeeda ka dhiibatay D.dharkiinleey.

Marwada Madaxweynaha JFS oo ka codkeeda ka dhiibatay D.dharkiinleey.

December 25, 2025
Madaxweynaha JFS oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Golaha Deegaanka gobolka Banaadir

Madaxweynaha JFS oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Golaha Deegaanka gobolka Banaadir

December 25, 2025

Guddoomiyaha Degmada Dharkenley Cumar Meyre Macow ayaa uga mahadceliyay Mas’uuliyiinta Gobolka Banaadir ee qalabka ku wareejiyay, wuxuuna sheegay in qalabka lasoo gaarsiiyay ay ku wareejin doonaan waaxyaha Degmada, si adeegyada bulshada sare loogu qaado

“Maanta xafladan waxaa ogsoontihiin inay ka soo qeybgaleen Maamulka Gobolka Banaadir guud ahaantiis iyo bulshooyin kala duwan, waxaan halkan ku qabanay munaasabad micno badan mashruuca Danguud ee gobolka Banaadir wuxuu nasoo gaarsiiyay qalab isugu jira qalab nadaafdeed, mid waxbarasho, mid caafimaad iyo mid Isboorti, afatraas qeyb oo bulshada aasaaska u ah ,waxaan helnay 300 oo cayaartooy qalab loogu talagalay oo ka kooban jaakado, fanaanado. saraawiil iyo banooniyaal, kuwaasi oo isugu jira kolleyga iyo kubadda cagta sidookale saddex iskuul qalab loogu talagaly ayaa nalaoso gaarsiiyay oo qalimaan iyo buug isugu jira, waxaana guddoonsiineynaa saddexda Iskuul eek ala ah badbaadi 1 ,badbaado 2 iyo Iskuulka dhame Yaasiin Cartan oo dowladdu ay leedahay, sidookale saddex sariir oo ah kuwa umulinta loogu talagaly ayaan helnay waxaana ku wareejineynaa xarunta hooyada iyo dhallaanka ee degmada Dharkenleey” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Gabagabadii munaasabada ayaa waxaa ka hadlay Gudoomiye ku-xigeenka Gobolka Banaadir ee dhanka arrimaha bulshada Mudane Iimaan Nuur Iikar oo amaanay horumarka ay degmadu ku talaabsatay ee dhinacyada amniga iyo adeegyada bulshada.

Previous Post

Guddiyada Xuduudaha iyo Doorashooyinka oo la Dhaariyay

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Marwada Madaxweynaha JFS oo ka codkeeda ka dhiibatay D.dharkiinleey.

Marwada Madaxweynaha JFS oo ka codkeeda ka dhiibatay D.dharkiinleey.

December 25, 2025
0

Muqdisho, Diseembar, 25, 2025; Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan ayaa maanta codkeeda ka dhiibatay Seejada Xarunta...

Madaxweynaha JFS oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Golaha Deegaanka gobolka Banaadir

Madaxweynaha JFS oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Golaha Deegaanka gobolka Banaadir

December 25, 2025
0

Muqdisho, Diseembar 25, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayso Marwada Koowaad ee dalka Marwo...

Safiirka Soomaaliya ee Uganda oo shacabka Gobolka Banaadir ugu hambalyeeysay Doorashada.

Safiirka Soomaaliya ee Uganda oo shacabka Gobolka Banaadir ugu hambalyeeysay Doorashada.

December 25, 2025
0

Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Uganda oo ku hadlaysa magaca dhammaan diblumaasiyiinta safaaradda iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka codeeyey Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka codeeyey Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.

December 25, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah uga dhiibtay codkiisa doorashada Golaha Deegaanka ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In