Guddomiyaha degmada Heliwaa Maxamed Axmed Xaashi ayaa sheegay in maamulka uu soo saaray amar ah in dadka deegaanka ay hortooda ka jaraan geedaha jaray qaar ka mid ah waddooyinka xaafadaha degmad Heliwaa.
Guddoomiyaha oo warbaahinta kula hadlay xarunta degmada Heliwaa ayaa sheegay in muddo 15 cisho ay heystaan dadka ku nool degmada, isagoo intaa ku daray in ciddii ka dhago adeegta awaamiirta maamulka lagu ganaaxi doono hal milyan oo shilin Soomaali ah.
“Olole balaaran ayaan bilownay oo ah in dadku ay guryaha hortooda ka jaraan dhirta gaar ahaan geedaha qariyay waddooyinka, waxaana jirta dad badan oo u hogaansamay amarka maamulka, marka cidda kale ee u hogaansami weyda, waxaa laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan” ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Heliwaa.
Guddoomiyaha oo hadalkisa siiwata ayaa ugu baaqay dadka ka maqan guryahooda in ay ka jaraan geedaha hadii ay ka jari wayana ay guryahoda lawareegi doonta dowladda, si mutadawacnima ahna u soo dejin doonaan dadka barakacayasha ee ay heysato hoy la’aanta.
Maamulka degmada Heliwaa ee gobalka banaadir ayaa mudooyinkanba waday olole dib loogu soo celinayo bilicda degmada Heliwaa.