Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Degmada Heliwaa oo deeq raashin ah u qeybiyay qoysas danyar ah “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Maamulka Degmada Heliwaa oo deeq raashin ah u qeybiyay qoysas danyar ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka Degmada Heliwaa ee Gobolka Benaadir ayaa deeq raashin ah u qeybiyay qoysas danyar ah oo ku nool degmada.

Guddoomiyaha Degmada Heliwaa Cabdixakiin Cumar Cabdulle ayaa sheegay in deeqdan ay tahay mid ka timid dowladda Cuman oo shacabka Degmada loo soo marsiiyay dhanka maamulka Gobolka Benaadir, isla markaana loogu talagalay 300 qoys oo ka mid ah qoysaska danyarta ah ee ku nool degmada Heliwaa.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

“Alxamdullilah, Alle wuu nagu guuleysiiyay inay si nabadgelyo ah noogu dhamaato qeybinta raashin aan ugu talagalnay qoysaska danta yar ee ku nool degmada, xaqiiqdii raashinkan ma ahan mid dabooli karta baahiyaha gaarka ah ee ay qabaan qaar ka mid ah qoysaska degmada ku nool, balse waxa ay u noqoneysaa bilow fiican” ayuu yiri Guddoomiye Cabdixakiin Cumar.

Qaar ka mid ah qoysaskii ka faa’iideystay qeybinta deeqda raashinka ah ayaa uga Mahadceliyay maamulka degmada iyo cidkasta oo ku luglahayd in kaalmo la soo gaarsiiyo.

Guddoomiyaha Degmada Heliwaa ayaa kal hore sheegay inay ka go’antahay ka mira dhalinta go’aankiisa ahaa u adeegidda bulshada Habeen iyo maalin, iyadoo dhawaan uu dib u habeyn ku sameeyay qaar ka mid ah waddooyinka xaafadaha degmada Heliwaa oo markii hore ay dhibaato ku qabeen dadka deegaanka.

Previous Post

Madaxwayne ku xigeenka Galmudug oo tababar Cadaado uga furay hawlwadeenno ka tirsan Wasaaradda Cadaaladda “SAWIRRO”

Next Post

Tartan Qur’aan akhris ah oo lagu soo gabo gabeeyay Gaalkacyo “SAWIRRO”

Next Post
Tartan Qur’aan akhris ah oo lagu soo gabo gabeeyay Gaalkacyo “SAWIRRO”

Tartan Qur’aan akhris ah oo lagu soo gabo gabeeyay Gaalkacyo "SAWIRRO"

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In