Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Degmada Heliwaa oo laba laabay Ololaha Nadaafadda Degmada “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Maamulka Degmada Heliwaa oo laba laabay Ololaha Nadaafadda Degmada “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Degmada Heliwaa ee gobolka Benaadir Cabdixakiin Cumar Cabdulle ayaa maanta kormeeray sida ay u socdaan Ololaha Nadaafadda ee Degmada, waxaana uu howlwadeenada degmada u qaabilsan dhanka Nadaafadda ku bogaadiyay sida hagar la’aanta ah ee ay ugu howlanyihiin dib u soo celinta bilicdii ay degmadu lahayd, isagoo ku soo wareegay xaafadaha ay ka socdeen Ololaha Nadaafadda

“Waxaan halkan u imid inaan u kuurgalo, isla markaana aan idinkala qeyb qaato ololaha Nadaafadeed ee ka socda xaafadda Ex-koontarool Balcad ee degamda Heliwaa,  runtii waxaa naga go’an in aan dib u soo celino bilicdii ay lahayd Degmada, Nadaafaddu waa Imaanka barkiis. qofkasta waxaa mas’uuliyad ka saaran in uu ka shaqeeyo Nadaafadda, Nabadgelyada iyo Naleynta Degmada” ayuu yiri Guddoomiye Cabdixakiin oo hadalkiisa ku daray “Waaxdii ku guuleysata ololaha nadaafadda, waxa ay heli doonaan abaal marin gaar ah oo ay ku faraxdo”.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Mudane Cabdixakiin Cumar ayaa dhankiisa waxa uu ka qeyb qaatay ololaha nadaafadda, taasi oo uu ku sheegay inay tahay mid uu ku dhiiri gelinayo bulshada isla markaana looga hortagayo in Geed yahuudka uu ku soo bato xaafaddaha degamda, kaasi oo ka dhalan karta qatar amni iyo mid Nadaafadeed.

Tan iyo markii uu xilka la wareegay guddoomiye Cabdixakiin Cumar Cabdulle shan bil ka hor, waxa uu ahmiyadda siiyay Nadaafadda, Naleynta iyo Nabadgelyada Degmada, si dib loogu soo celiyo bilicda iyo rajada shacabka Degmada Heliwaa.

  

 

 

Previous Post

Dhismaha cusub ee Jaamacadda Galgaduud oo xariga laga jaray “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo u Magacaabay Fahad Yaasiin Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada

Next Post
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo gaaray Dalka Jabuuti

Madaxweyne Farmaajo oo u Magacaabay Fahad Yaasiin Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In