Tuesday, August 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka degmada Hiliwaa oo ku baaqay in dib u dhis lagu sameeyo guryaha jajaban

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Maamulka degmada Hiliwaa oo ku baaqay in dib u dhis lagu sameeyo guryaha jajaban
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Cabdixakiin.jpg Guddoomiyaha Hiliwaa

Guddoomiyaha degmada Hiliwaa Cabdixakiin Cumar Cabdulle ayaa ugu baaqay dadka iska leh guryaha jajaban ee ku yaala degmada in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u dhistaan, si loo soo celiyo bilicdii ay lahayd degmada.

Related posts

Guddoomiyaha Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka oo kulan la qaatay xubnaha beesha caalamka

Guddoomiyaha Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka oo kulan la qaatay xubnaha beesha caalamka

August 10, 2026
Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo soo dhaweeyay Kalluumeysato dhoofiya Kalluunka

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo soo dhaweeyay Kalluumeysato dhoofiya Kalluunka

August 10, 2026

Guddoomiyaha ayaa xusay in maamulkiisu uu xoogga saarayo dib u soo celinta bilicda degmada, waxaana uu intaa ku daray in taasi ay ku imaan karto in dadka iska leh guryaha jajaban ay dayactir ku sameeyaan, isla markaana ay geedaha ka jaraan hareeradaha waddooyinka.

“Waxaan ugu baaqayaa in dadka iska leh guryaha jajaban ee degmada Hiliwaa ku yaalla inay dayactir ku sameeyaan, oo ay sidoo kale geedaha ka jiraan guryaha hortooda, si loo soo celiyo bilicdii ay lahayd degmada” ayuu yiri Guddoomiye Cabdixakiin.

Cabdixakiin Cumar Cabdulle ayaa hoosta ka xariiqay in xilliyada habeenkii ah ay sameeyaan roondooyin lagu xaqiijinayo amniga Degmada, waxaana uu shacabka ka dalbaday in ilinka hore ee guryahooda ayku xiraan nal, ayna la shaqeeyaan laamaha amniga ee habeen iyo maalin u taagan sugidda Nabadgelyadooda.

“Hadda xilliyada habeenkii waxaan bilownay roondooyin aan sameyneyno, kaasi oo aan ugu kuurgalayo koontaroolada ciidanka sida ay u shaqeeyaan, isla markaana ah mid lagu xaqiijinayo amniga degmada, waxaana shacabka ka codsanayaa inay sii xoojiyaan la shaqeynta hay’adaha Nabadgelyada degmada qaabilsan” ayuu hadalkiisa kudaray Guddoomiyaha degmada Hiliwaa.

Tan iyo markii uu xilka la wareegay Guddoomiyaha cusub ee degmada Hiliwaa ayaa bilaabay in uu kulamo la qaato shacabka ku nool waaxyaha kala duwan ee degmada, isagoo is xogwareysi kaddib bilaabay in uu guda galo qorshihiisa 100-ka maalmood ah oo uu ka bilabay amniga iyo bilic soo celinta degmada ay lahayd.

Previous Post

Hey’adda Golaha Qurbajoogta Soomaaliyeed oo ka soo horjeesatay go’aankii Madaxweyne Trump

Next Post

Akhriso: Magacyada Musharixiinta maanta baarlamaanka ka horjeedin doono qorshahooda siyaadeed

Next Post
Akhriso: Magacyada Musharixiinta maanta baarlamaanka ka horjeedin doono qorshahooda siyaadeed

Akhriso: Magacyada Musharixiinta maanta baarlamaanka ka horjeedin doono qorshahooda siyaadeed

Guddoomiyaha Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka oo kulan la qaatay xubnaha beesha caalamka

Guddoomiyaha Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka oo kulan la qaatay xubnaha beesha caalamka

August 10, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa kulan xogsiin ah la qaatay xubnaha beesha...

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo soo dhaweeyay Kalluumeysato dhoofiya Kalluunka

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo soo dhaweeyay Kalluumeysato dhoofiya Kalluunka

August 10, 2026
0

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko), ayaa maanta Dekedda Muqdisho ku soo dhaweeyay Shirkada Marina Seafood...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo U Hambalyeeyay Guddoomiyaha Cusub Ee Golaha Shacabka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo U Hambalyeeyay Guddoomiyaha Cusub Ee Golaha Shacabka

August 10, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Mudane Cabdulqaadir Maxamed...

Golaha Aqalka Sare oo ka dooday ansixinta qorshe-hawleedka Golaha iyo Guddiyada Aqalka Sare

Golaha Aqalka Sare oo ka dooday ansixinta qorshe-hawleedka Golaha iyo Guddiyada Aqalka Sare

August 10, 2026
0

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Mudane Cali Shacbaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In