Sunday, January 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka degmada Hiliwaa oo ku baaqay in dib u dhis lagu sameeyo guryaha jajaban

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Maamulka degmada Hiliwaa oo ku baaqay in dib u dhis lagu sameeyo guryaha jajaban
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Cabdixakiin.jpg Guddoomiyaha Hiliwaa

Guddoomiyaha degmada Hiliwaa Cabdixakiin Cumar Cabdulle ayaa ugu baaqay dadka iska leh guryaha jajaban ee ku yaala degmada in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u dhistaan, si loo soo celiyo bilicdii ay lahayd degmada.

Related posts

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026

Guddoomiyaha ayaa xusay in maamulkiisu uu xoogga saarayo dib u soo celinta bilicda degmada, waxaana uu intaa ku daray in taasi ay ku imaan karto in dadka iska leh guryaha jajaban ay dayactir ku sameeyaan, isla markaana ay geedaha ka jaraan hareeradaha waddooyinka.

“Waxaan ugu baaqayaa in dadka iska leh guryaha jajaban ee degmada Hiliwaa ku yaalla inay dayactir ku sameeyaan, oo ay sidoo kale geedaha ka jiraan guryaha hortooda, si loo soo celiyo bilicdii ay lahayd degmada” ayuu yiri Guddoomiye Cabdixakiin.

Cabdixakiin Cumar Cabdulle ayaa hoosta ka xariiqay in xilliyada habeenkii ah ay sameeyaan roondooyin lagu xaqiijinayo amniga Degmada, waxaana uu shacabka ka dalbaday in ilinka hore ee guryahooda ayku xiraan nal, ayna la shaqeeyaan laamaha amniga ee habeen iyo maalin u taagan sugidda Nabadgelyadooda.

“Hadda xilliyada habeenkii waxaan bilownay roondooyin aan sameyneyno, kaasi oo aan ugu kuurgalayo koontaroolada ciidanka sida ay u shaqeeyaan, isla markaana ah mid lagu xaqiijinayo amniga degmada, waxaana shacabka ka codsanayaa inay sii xoojiyaan la shaqeynta hay’adaha Nabadgelyada degmada qaabilsan” ayuu hadalkiisa kudaray Guddoomiyaha degmada Hiliwaa.

Tan iyo markii uu xilka la wareegay Guddoomiyaha cusub ee degmada Hiliwaa ayaa bilaabay in uu kulamo la qaato shacabka ku nool waaxyaha kala duwan ee degmada, isagoo is xogwareysi kaddib bilaabay in uu guda galo qorshihiisa 100-ka maalmood ah oo uu ka bilabay amniga iyo bilic soo celinta degmada ay lahayd.

 

Previous Post

Hey’adda Golaha Qurbajoogta Soomaaliyeed oo ka soo horjeesatay go’aankii Madaxweyne Trump

Next Post

Akhriso: Magacyada Musharixiinta maanta baarlamaanka ka horjeedin doono qorshahooda siyaadeed

Next Post
Akhriso: Magacyada Musharixiinta maanta baarlamaanka ka horjeedin doono qorshahooda siyaadeed

Akhriso: Magacyada Musharixiinta maanta baarlamaanka ka horjeedin doono qorshahooda siyaadeed

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee  lagu qabtay Spain

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee lagu qabtay Spain

January 25, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa ka warbixiyay Bandhigga Carwada Caalamiga ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

January 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Turkiga oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In