Guddoomiyaha Degmada Howlwadaag Mustaf Cali Khayre ayaa sheegay in maamulkiisa uu dadaal xoogan ku bixiyay sare u qaadidda wacyigelinta bulshada, ayagoo ka faa’iidaysanaya isbadalka ku yimd wacyiga dhallinyarada iyo shacabka degmada oo u heelan inay ka qaybqaataan ka hortagga Fayruska Karoona.
Maamulka degmada oo kaashanaya qaybaha kala duwan ee bulshada oo ka duulaya ilaalinta badqabka caafimaad ee bulshada ayaa waxaa uu wacyigalin ka sameeyay suuqa ganacsiga ee bakaaraha iyo goobaha ay dadka isugu yimaadaan si looga hortaga faafidda cudurka COVID-19 oo saamayn ku yeshay dalka, iyagoo ugu baaqay dadweynaha inay u hogaan samaan fariimaha wacyigalinta ah ee ay bixinayaan bahda caafimaadka .
Dhan kale Degmada howlwadaag ayaa waxaa muddooyinka dambe ka socday dadaalo uu maamulka ku horumarinayo kaabayaasha bulshada iyo dhismaha waddooyin casri ah oo laga hirgaliyay xafadaha degmadaasi kuwaasi oo saldhig u ah horumarka uu ku talaabsaday Maamulka.