Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Degmada Shibis oo deeq gaarsiiyay xarunta dhaqancelinta carruurta ee Kadare “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Maamulka Degmada Shibis oo deeq gaarsiiyay xarunta dhaqancelinta carruurta ee Kadare “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Degmada Shibis ee gobolka Banaadir Axmed Muunin Maxamed ayaa maanta agab isugu jira kubado, dhar iyo daahyo gaarsiiyay xarunta dhaqancelinta carruurta darbi jiifka ah  ee degmada C/casiis, halkaasi oo ay ku jiraan carruur kolkii hore darbo jiif ahaa oo Marwada Madaxweynaha dalka ka soo uruurrisay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo waxbarasho iyo hooy u ah xarunta.

Guddoomiyaha ayaa markii uu deeqda gaarsiiyay xarunta, waxaa uu soo kormeeray fasalada iyo goobaha ay seexdaan, isagoo intaa ku daray in deeqdan aysan noqon doonin tii ugu dambeysa ee uu gaarsiiyo xarunta.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

“Aad baan ugu faraxsanahay fikirka lagu dhisay xarunta, mas’uuliyad ayaa naga saaran daryeelka carruurtan, marka waa mustaqbalka beri carruurta, waxa ayna ku xirantahay inay noqdaan dad bulshadooda wax tara, sida aan u xanaaneyno, marwaliba way naga go’antahay in aan garab istaagno, waxaana mas’uuliyiinta iyo qeybaha bulshada ugu baaqaynaa inay carruurtan soo kormeeraan oo ay arkaan xaaladda ay ku suganyihiin, bulshaduna ay is garab qabato” ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Shibis.

Madiina Cali Tooxow oo wakiil ka ahayd Marwada Madaxweynaha Dalka Marwo Sahro Cumar Xasan, isla markaana deeqda ka guddoontay guddoomiyaha Degmada Shibis Axmed Muumin Maxamed ayaa uga mahadcelisay, waxaana ay ku wareejisay maamulaha xarunta.

“Waxaan joognaa xaruntii ay maamo Sahro Cumar Xasan Marwada Madaxweynaha u sameysay carruur darbo jiif ah oo ay ka soo uruurrisay magaalada Muqdisho, runtii waan uga mahadcelineynaa deeqda uu guddoomiyaha keenay, waxaana agabkaan ku wareejin doonaa maamulaha xerada mubaarak” ayay tiri Madiina Cali Tooxow.

vlcsnap-2016-03-04-09h52m27s105  vlcsnap-2016-03-04-09h52m44s18 vlcsnap-2016-03-04-09h53m01s192 vlcsnap-2016-03-04-09h53m08s4 vlcsnap-2016-03-04-09h53m16s91 vlcsnap-2016-03-04-09h53m21s133 vlcsnap-2016-03-04-09h53m28s209 vlcsnap-2016-03-04-09h53m40s71 vlcsnap-2016-03-04-09h53m54s214 vlcsnap-2016-03-04-09h53m59s7 vlcsnap-2016-03-04-09h54m14s159 vlcsnap-2016-03-04-09h54m37s133 vlcsnap-2016-03-04-09h54m56s67 vlcsnap-2016-03-04-09h55m02s124 vlcsnap-2016-03-04-09h55m06s166 vlcsnap-2016-03-04-09h55m16s4  vlcsnap-2016-03-04-09h55m27s121 vlcsnap-2016-03-04-09h55m44s36 vlcsnap-2016-03-04-09h55m54s128 vlcsnap-2016-03-04-09h56m03s222 vlcsnap-2016-03-04-09h56m08s17 vlcsnap-2016-03-04-09h56m10s38

 

 

Previous Post

Wasiirka Bartoolka oo maamulka gobolka kala hadlay wax ka qabashada nidaam la’aanta ka jirta shidaalka

Next Post

Burcad Badeed Dhameysatay Xukun Maxkamadeed oo Lagu Celiyay Soomaaliya”Sawirro”

Next Post
Burcad Badeed Dhameysatay Xukun Maxkamadeed oo Lagu Celiyay Soomaaliya”Sawirro”

Burcad Badeed Dhameysatay Xukun Maxkamadeed oo Lagu Celiyay Soomaaliya"Sawirro"

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In