Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Degmada Shibis oo deeq gaarsiiyay xarunta dhaqancelinta carruurta ee Kadare “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Maamulka Degmada Shibis oo deeq gaarsiiyay xarunta dhaqancelinta carruurta ee Kadare “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Degmada Shibis ee gobolka Banaadir Axmed Muunin Maxamed ayaa maanta agab isugu jira kubado, dhar iyo daahyo gaarsiiyay xarunta dhaqancelinta carruurta darbi jiifka ah  ee degmada C/casiis, halkaasi oo ay ku jiraan carruur kolkii hore darbo jiif ahaa oo Marwada Madaxweynaha dalka ka soo uruurrisay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo waxbarasho iyo hooy u ah xarunta.

Guddoomiyaha ayaa markii uu deeqda gaarsiiyay xarunta, waxaa uu soo kormeeray fasalada iyo goobaha ay seexdaan, isagoo intaa ku daray in deeqdan aysan noqon doonin tii ugu dambeysa ee uu gaarsiiyo xarunta.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

“Aad baan ugu faraxsanahay fikirka lagu dhisay xarunta, mas’uuliyad ayaa naga saaran daryeelka carruurtan, marka waa mustaqbalka beri carruurta, waxa ayna ku xirantahay inay noqdaan dad bulshadooda wax tara, sida aan u xanaaneyno, marwaliba way naga go’antahay in aan garab istaagno, waxaana mas’uuliyiinta iyo qeybaha bulshada ugu baaqaynaa inay carruurtan soo kormeeraan oo ay arkaan xaaladda ay ku suganyihiin, bulshaduna ay is garab qabato” ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Shibis.

Madiina Cali Tooxow oo wakiil ka ahayd Marwada Madaxweynaha Dalka Marwo Sahro Cumar Xasan, isla markaana deeqda ka guddoontay guddoomiyaha Degmada Shibis Axmed Muumin Maxamed ayaa uga mahadcelisay, waxaana ay ku wareejisay maamulaha xarunta.

“Waxaan joognaa xaruntii ay maamo Sahro Cumar Xasan Marwada Madaxweynaha u sameysay carruur darbo jiif ah oo ay ka soo uruurrisay magaalada Muqdisho, runtii waan uga mahadcelineynaa deeqda uu guddoomiyaha keenay, waxaana agabkaan ku wareejin doonaa maamulaha xerada mubaarak” ayay tiri Madiina Cali Tooxow.

vlcsnap-2016-03-04-09h52m27s105  vlcsnap-2016-03-04-09h52m44s18 vlcsnap-2016-03-04-09h53m01s192 vlcsnap-2016-03-04-09h53m08s4 vlcsnap-2016-03-04-09h53m16s91 vlcsnap-2016-03-04-09h53m21s133 vlcsnap-2016-03-04-09h53m28s209 vlcsnap-2016-03-04-09h53m40s71 vlcsnap-2016-03-04-09h53m54s214 vlcsnap-2016-03-04-09h53m59s7 vlcsnap-2016-03-04-09h54m14s159 vlcsnap-2016-03-04-09h54m37s133 vlcsnap-2016-03-04-09h54m56s67 vlcsnap-2016-03-04-09h55m02s124 vlcsnap-2016-03-04-09h55m06s166 vlcsnap-2016-03-04-09h55m16s4  vlcsnap-2016-03-04-09h55m27s121 vlcsnap-2016-03-04-09h55m44s36 vlcsnap-2016-03-04-09h55m54s128 vlcsnap-2016-03-04-09h56m03s222 vlcsnap-2016-03-04-09h56m08s17 vlcsnap-2016-03-04-09h56m10s38

 

 

Previous Post

Wasiirka Bartoolka oo maamulka gobolka kala hadlay wax ka qabashada nidaam la’aanta ka jirta shidaalka

Next Post

Burcad Badeed Dhameysatay Xukun Maxkamadeed oo Lagu Celiyay Soomaaliya”Sawirro”

Next Post
Burcad Badeed Dhameysatay Xukun Maxkamadeed oo Lagu Celiyay Soomaaliya”Sawirro”

Burcad Badeed Dhameysatay Xukun Maxkamadeed oo Lagu Celiyay Soomaaliya"Sawirro"

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In