Waxaa maanta degmada Xamarweyne lagu qabtay barnaamij dhalinyarada looga wacyi-galinayay halista uu leeyahay isticmaalka maan-dooriyaha.
Kulanka waxaa ka soo qeyb-galay maamulka degmada Xamar-weyne, xubno ka socday maamulka gobolka Banaadir, waxgaradka, ganacsatada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada degmada Xamarweyne.
Intii uu socday barnaamijka wacyi-gelinta maandooriyaha ayaa waxay ka soo qeybgalayaashu dadka isticmaala uga digeen halista uu leeyahay maan-dooriyaha- iyagoona ganacsatada iibisa faray in ay ka waantoobaan, maadaama uu qatar ku yahay nolasha dhalinyaro farabadan oo dalka iyo dadka wax tari lahaa.
Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha Bulshada iyo wacyi galinta maamulka gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed (Jaketti) ayaa kala qeyb-gashay maamulka iyo shacabka degmada Xamar-weyne barnaamijka wacyi-gelinta maan-dooriyaha waxayna kula dardaarantay inay xoojiyaan la dagaalanka maan-dooriyaha iyo in ay iska kaashadaan waxyabaha keeni kara.