Thursday, January 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka G/Banaadir oo dardargelinaya Sugidda Amniga Caasimada

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Maamulka G/Banaadir oo dardargelinaya Sugidda Amniga Caasimada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo ku guuleysatay siidaynta Muwaadiniin ku xanibnaa dalkaas

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo ku guuleysatay siidaynta Muwaadiniin ku xanibnaa dalkaas

January 7, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

January 7, 2026

Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha G/Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta Daah-furay mashruuca Sugidda Amniga caasimada Muqdisho, sheegeyna in 90 cisho gudahood la doonayo in la helo amni waara.

Shirka maanta lagu qabtay xarunta Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka soo qeybgalay Duqa Muqdisho, Ahna Guddoomiyaha G/Benaadir, Ku xigeenada Amniga & Siyaasada iyo Arrimaha Bulshada, Xoghayaha Guud, Taliyeyaasha ciidamada Qalabka Sida ee G/Banaadir, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, Guddiga Wacyigelinta Qaranka, iyo maamulada degmooyinka.

Ujeedada kulanka ayaa ahaa in la dardargeliyo barnaamijka Sugidda Amniga Muqdisho oo la isla gartay in loo wajaho si Istraatejiyad ah oo wadashaqeyn buuxda ah ee Maamulka G/Banaadir, hay’adaha amniga, Dariseynta iyo shacabka ay kaalin buuxda ka wada qaadanayaan sugida amniga caasimada.

“Waxaa xaqiiqo ah in weli ay jiraan caqabado dhinaca ammaanka ah, , balse haddii aan si xoojinno dadaalkeenna iyo wada shaqeynta aan la leenahay bulshada degmooyinka waxaa hubaal ah in lagu guuleysanayo xasilinta Caasimadda oo laf-dhabar u ah deganaanshaha guud ee dalka, waana in aan si Istraatejiyad ah oo wadashaqeyn buuxda ah ee Maamulka G/Banaadir, hay’adaha amniga, Dariseynta iyo shacabka u wajahnaa arrintan.”Ayuu yiri Duqa Muqdisho Eng. Yarisow.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in mudnaan sare ay u leedahay sugidda amniga iyo isku xirna ciidamadda iyo shacabka, isagoo kula dar-daarmay saraakiisha kulanka ka qeyb galay in la dardargeliyo amniga caasimadda, si looga hortago qorshe-yaasha ay maleegayso argagixsadu.

Previous Post

Wasiir Arrimaha Dibadda Turkiga oo sheegay in Soomaaliya lagu hayo cadaadis ka dhashay mowqifkii ay ka istaagtay khilaafka dalalka Khaliijka

Next Post

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Akhrinta 1-aad marsiiyey Hindise Sharciyeedka Shirkadaha

Next Post
Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Akhrinta 1-aad marsiiyey Hindise Sharciyeedka Shirkadaha

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Akhrinta 1-aad marsiiyey Hindise Sharciyeedka Shirkadaha

Minister of Defence Concludes Training of Gorgor Special Forces at TurKSom Academy

Minister of Defence Concludes Training of Gorgor Special Forces at TurKSom Academy

January 7, 2026
0

The Minister of Defence, H.E. Ahmed Moallim Fiqi, today officially concluded a military training programme for units of the Gorgor...

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo ku guuleysatay siidaynta Muwaadiniin ku xanibnaa dalkaas

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo ku guuleysatay siidaynta Muwaadiniin ku xanibnaa dalkaas

January 7, 2026
0

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen oo ku guulaysatay siidaynta Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo 4 maalin ah ku xayirnaa xeebaha Dalka...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

January 7, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada Gorgor ee...

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

January 7, 2026
0

Diiwaangelinta doorashooyinka Qof iyo Cod ee degmada Gaalkacyo ayaa si rasmi ah maanta u soo gabagabowday, iyadoo bulshada degmada ay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In