Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcaale iyo Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada maamulka Gobolka Banaadir mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay dhismaha waddada halbowla ah oo dhaxmarta suuqa Degmada Xamar weyne.
Waddadan oo muhiim u ah isku socodka suuqa Xamar weyne ayaa dhismaheeda ah mid ay baahi weyn u qabaan bulshada deegaanka iyo ganacsatada suuqa, iyada uu ka mahadceliyay maamulka Degmada Xamar weyne.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay sii socon doonaan mashaariicda lagu horumarinayo bilicda Caasimadda iyo kaabayaasha shaqaalaha si magaalada ay ula jaan qaado magaalooyinka dhigeeda ah ee horumaray.