Sunday, November 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Gobolka Banaadir oo dhagax dhigey waddo laami ah oo laga hirgalinayo Degmada Shingaani “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Maamulka Gobolka Banaadir oo dhagax dhigey waddo laami ah oo laga hirgalinayo Degmada Shingaani “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

–Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta dhagax dhigey waddo laami ah oo laga hirgalinayo Degmada Shingaani, waddadan ayaa waxa ay ka bilaabaneysaa Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ilaa Saldhiga Degmada Cabdi-Casiis oo muhiim u ah isu socodka labada Degmo.

 

Related posts

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan la qaatay Safiirka Cumaan ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan la qaatay Safiirka Cumaan ee Soomaaliya

November 1, 2026
Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026

Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur oo ka hadlay dhagax-dhigga waddadan cusub ee maamulku dhisayo ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in shacabka lagu celiyo canshuuraha laga soo qaado, si bulshadu u dareento wixii ay bixiyeen in wax loogu qabtay.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in jidkani uu laf-dhabar u yahay isku socodka Caasimadda, gaar ahaan labada degmo ee Shingaani iyo Cabdicasiis oo waddadan ay isku xirto.

Sidoo kale, Guddoomiye Xuseen ayaa ugu baaqay shacabka Caasimadda in loo istaago horumarka iyo bilic soo celinta Caasimadda, iyadoo muwaadin walba ay tahay masuuliyad saaran ilaalinta nadaafadda deegaanka uu dagan yahay.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa horey ugu dhawaaqay in sanadka 2019 ay ka fulin doonaan Caasimadda mashaariic horumarineed oo lagu dhisayo kaabayaasha adeegyada bulshada.

Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku xigeenada Arrimaha Bulshada, Howlaha Guud iyo Guddoomiyaha Degmada Shingaani.

–DHAMMAAD–

Previous Post

Marxuum Amb. Maxamed Warsame Cali Kiimiko oo Muqdisho Aas Qaran Loogu Sameeyay “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Ka Hadlay Shirka Garowe Uga Socda Madaxda DFS iyo Madaxda Dawlad Gobaleedyada

Next Post
R/wasaare ku xigeenka dalka oo Xildhibaanada ku Bogaadiyay hanaanka dimuqraadiga ay u doorteen Guddoomiyaha cusub

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Ka Hadlay Shirka Garowe Uga Socda Madaxda DFS iyo Madaxda Dawlad Gobaleedyada

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan la qaatay Safiirka Cumaan ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan la qaatay Safiirka Cumaan ee Soomaaliya

November 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Gamal Maxamed Hassan, oo ay weheliyaan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda,...

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In