Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Gobolka Banaadir oo ka shiray Nadaafadda iyo arrimo kale “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Maamulka Gobolka Banaadir oo ka shiray Nadaafadda iyo arrimo kale “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan isugu yimaadeen maamulka Gobolka Banaadir, isla markaana uu shir guddoominayay Guddomiyaha Gobalka ahna duqa Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa looga hadlay dar dar gelinta ololaha nadaafadda ee gobolka, maadaama la guda galay xilli roobaad, ayna muhiitahay in bilic soo celinta caasimadda laga wada shaqeeyo.

Kulanka oo lagu qabtay xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee degmada Heliwaa, isla markaana ay ka qeyb galeen dhamaan Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka Gobolka ayaa diiradda lagu saaray wax ka qabashada meelaha ay biyaha roobku fadhiisteen, isla markaana la iska kaashado sidii arrimahaasi wax looga qaban lahaa.

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

January 31, 2026

Afhayeenka cusub ee maamulka Gobolka Banaadir ahna Agaasimaha Waaxda Warfaafinta Mudane Cabdifataax Cumar Xalane oo markii uu shirka soo idlaaday kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa tilmaamay in ajandaha ugu weyn ee shirka looga hadlay ay tahay sidii looga shaqeyn lahaa bilic soo celinta caasimadda, maadaama la guda galay xilli roobaad, bulshada ay saameyn ku yeelaneyso roobka meelaha qaar biyo fadhiisadka ka sameystay.

Afhayeenku waxa uu xusay in shirka lagu soo hadal qaaday xoojinta amniga, iyadoo lala kaashanayo hay’adaha ammaanka oo xog la helaya shacabka Muqdisho ku nool, si looga hortago falalka ay maleegayaan maleeshiyada Al-Shabaab.

Maamulka Gobalka Banaadir ayaa wada qorshe lagu xoojinayo ololaha  la xiriira dar dargelinta nadaafadda iyo bilic soo celinta Caasimadda.

_MG_6938 _MG_6956 _MG_6974 _MG_6981 _MG_6983 _MG_6985 _MG_6989 _MG_6994 _MG_6999 _MG_7001 _MG_7004

 

 

Previous Post

Taliyaha Nabad Sugida Qaranka Oo Xalay Kormeeray Isgoysyada Magaalada Muqdisho

Next Post

Waxqabadka Dowladda ee Usbuucii la soo dhaafay

Next Post

Waxqabadka Dowladda ee Usbuucii la soo dhaafay

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay barnaamijka Tababarka...

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(New Delhi):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta Magaalada...

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi,...

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In