Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Gobolka Banaadir oo kulan duco ah u sameeyay Shuhaddada dhacdadii 24-July 2019 “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Maamulka Gobolka Banaadir oo kulan duco ah u sameeyay Shuhaddada dhacdadii 24-July 2019 “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) Ku-xigeenada Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud, Culima’udiin, Agaasimeyaal, Guddoomiyeyaal Degmo iyo Ehelo ayaa maanta xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kaga qeyb-galay Xus iyo Duco loo sameeyay Shuhaddadii ku Shahiiday Musiibadii 24 July 2019 ka dhacday Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar oo uu ugu horeeyay Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Ahaana Duqii Muqdisho AUN Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) Agaasimeyaal, La-taliyeyaal iyo Guddoomiyeyaal Degmo.

Munaasabadaan Xuska iyo Ducada ayaa laga jeediyay khudbado isugu jiray wacdi Diini ah, Isbaraarujin, Taariikh Xusuuseed iyo Duco, iyadoo ugu danbeyn uu halkaasi khudbad ka jeediyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo sheegay in xuskaan uu noqon doono mid sanad weliba la xusi doono, si loo weyneeyo Shuhaddadii ku Shahiiday Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar 24 July 2019, iyagoo bulshadooda u adeegaya.

Related posts

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026

Gaba-gabadii Munaasabada Xuska iyo Ducada kadib ayuu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Filish waxa uu xafiiskiisa ku qaabilay Ehelada Shuhaddadii, Asigoo mid mid u xaal wareystay maadaama Maamulka Gobolka Banaadir uu si gooni ah ugu warhaayo Ehelada Shuhaddada.

Xuskaan oo ah sanadkii 2-aad ayaa lagu wadaa in 1-da Augosto lagu soo gaba-gabeeyo Garoonka Kubadda Cagta ee Eng. Yariisow Stadium.

 

 

Previous Post

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kormeeray goob la qorsheynayo in laga dhiso garoon diyaaradeed “SAWIRRO”

Next Post

Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooynka Heer Federaal oo lagu soo dhaweeyay Kismaayo “SAWIRRO”

Next Post
Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooynka Heer Federaal oo lagu soo dhaweeyay Kismaayo “SAWIRRO”

Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooynka Heer Federaal oo lagu soo dhaweeyay Kismaayo “SAWIRRO”

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

January 11, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, met on Saturday evening in Jeddah with his...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In