Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Gobolka Banaadir Mudane Cabdullaahi Aadam Muuse ayaa kala wareegay Wasaaradda Deegaanka iyo isbadelka Cimiladaย Xukuumada Federaalka Soomaaliya ilaa 6,000 oo Dhir oo ah Qeybtii ugu horeeysay ee Barnaamijka Dhireynta Gobolka Banaadir, si loo fuliyo amarkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa Soomaali Cagaaran. Iyadoo Munaasabada uu Maamulka Gobolka Banaadir kula wareegayay dhirtaas ay goobjoog ka ahaayeen Agaasimaha Guud ee Howlaha Guud iyo Agaasimaha Waaxda Beeraha iyo Jardiinooyinka Dowladda Hoose Xamar.
Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Mudane Cabdullaahi Aadam Muuse ayaa Wasaaradda uga mahadceliyay in Maamulka Gobolka Banaadir ay soo gaarsiiyaan dhirtaan, asigoo sheegay in Qeybta Arrimaha Bulshada ay diyaarisay qorshaha lagu xifdin lahaa Dhirtaasi isla markaana loogu beeri lahaa Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir si loo gaaro Muqdisho Cagaaran.