Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Sheegay In Goobaha Danta Guud Lagu Soo Celin Doono Gacanta Dowladda “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Maamulka Gobolka Banaadir Oo Sheegay In Goobaha Danta Guud Lagu Soo Celin Doono Gacanta Dowladda “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kormeeray Darjiino ku yaala dhismaha taariikhiga ah ee Saciid Barkhash ee Degmada Shangaani oo maalmihii ugu danbeeyay uu ka jiray muran la xariira halkaasi.

Qaar ka mid ah odoyaasha dhaqanka Degmada Shangaani ayaa sheegay in halkan ay ahayd goob taariikhi ah oo lagu keydin jiray taariikhda Gobolka Banaadir, isla markaana ay saameysay bur burkii dalka ka dhacay, haatanna ay ku faraxsanyihiin in Maamulka Gobolka Banaadir uu dib u dhis ku sameynayo.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee Gobolka Banaadir mudane Cumar Cali Cabdi ayaa sheegay in qeybta howlaha guud ee gobolka ay gacanta ku heyso dhismahan, isla markaana aysan jirin cid lagu wareejiyay, waxaana ugu talagalnay inaan dib u dhisno.

Duqa magaalada Muqdisho oo maanta kormeeray dhismaha ka socda darjiinka Dowladda Hoose ee ku dhegan daarta Saciid Barqash ayaa sheegay in maamulka gobalka Banaadir uu gacanta ku hayo dhismaha, isagoo beeniyay wararka sheegaya in la boobayo dhulkaas.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa hoosta ka xariiqay in Maamulka Gobolka Banaadir uusan ogolaan doonin in goobaha danta guud ay sheegteen milkiyadeeda dad gaar ah.

“Goobtan waa Darjiino ka mid ah Darjiinooyinka dowladda Hoose ee Xamar, waxa ay ku dhagantahay daarta Saciid Barqash, waxaana haddda ka shaqeyneynaa inaan dhismo ku wareejino, si aan u muujino xarumaha dowladda Hoose ee Xamar” ayuu yiri Guddoomiye Cumar Filish.

Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in maamulka Gobolka Banaadir uu qorsheynayo inay gacanta ku soo celiyaan dhamaan xarumihii dowladda Hoose ee Xamar, isla markaana ay noqon doonaan goobo bulshada wax loogu qabto.

Previous Post

Galmudug oo ku guuleysatay xal u helidda muran dhinaca dhulka ah

Next Post

AMISOM Force Commander Visits Troops In Beletweyne

Next Post
AMISOM Force Commander Visits Troops In Beletweyne

AMISOM Force Commander Visits Troops In Beletweyne

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In