Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Sheegay In Goobaha Danta Guud Lagu Soo Celin Doono Gacanta Dowladda “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Maamulka Gobolka Banaadir Oo Sheegay In Goobaha Danta Guud Lagu Soo Celin Doono Gacanta Dowladda “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kormeeray Darjiino ku yaala dhismaha taariikhiga ah ee Saciid Barkhash ee Degmada Shangaani oo maalmihii ugu danbeeyay uu ka jiray muran la xariira halkaasi.

Qaar ka mid ah odoyaasha dhaqanka Degmada Shangaani ayaa sheegay in halkan ay ahayd goob taariikhi ah oo lagu keydin jiray taariikhda Gobolka Banaadir, isla markaana ay saameysay bur burkii dalka ka dhacay, haatanna ay ku faraxsanyihiin in Maamulka Gobolka Banaadir uu dib u dhis ku sameynayo.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee Gobolka Banaadir mudane Cumar Cali Cabdi ayaa sheegay in qeybta howlaha guud ee gobolka ay gacanta ku heyso dhismahan, isla markaana aysan jirin cid lagu wareejiyay, waxaana ugu talagalnay inaan dib u dhisno.

Duqa magaalada Muqdisho oo maanta kormeeray dhismaha ka socda darjiinka Dowladda Hoose ee ku dhegan daarta Saciid Barqash ayaa sheegay in maamulka gobalka Banaadir uu gacanta ku hayo dhismaha, isagoo beeniyay wararka sheegaya in la boobayo dhulkaas.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa hoosta ka xariiqay in Maamulka Gobolka Banaadir uusan ogolaan doonin in goobaha danta guud ay sheegteen milkiyadeeda dad gaar ah.

“Goobtan waa Darjiino ka mid ah Darjiinooyinka dowladda Hoose ee Xamar, waxa ay ku dhagantahay daarta Saciid Barqash, waxaana haddda ka shaqeyneynaa inaan dhismo ku wareejino, si aan u muujino xarumaha dowladda Hoose ee Xamar” ayuu yiri Guddoomiye Cumar Filish.

Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in maamulka Gobolka Banaadir uu qorsheynayo inay gacanta ku soo celiyaan dhamaan xarumihii dowladda Hoose ee Xamar, isla markaana ay noqon doonaan goobo bulshada wax loogu qabto.

Previous Post

Galmudug oo ku guuleysatay xal u helidda muran dhinaca dhulka ah

Next Post

AMISOM Force Commander Visits Troops In Beletweyne

Next Post
AMISOM Force Commander Visits Troops In Beletweyne

AMISOM Force Commander Visits Troops In Beletweyne

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In