Thursday, April 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Gobolka benaadir oo ku baaqay in gurmad loo fidiyo dadkii ku hanti beelay dabkii xalay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Maamulka gobolka oo Shaaciyay in la damiyay dabkii ka kacay maqribadii Suuqa degmada Wadajir+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dab xoogan oo dhaliyay qasaare hantiyadeed ayaa abaare 7:00pm fiidnimo ee xalay ka kacay Suuqa weyn ee degmada Wadajir, kaas oo ka dhashay sida la sheegay dab laga shiday mid ka mid ah baqaarada lagu iibiyo qalabka dhismaha, kaasi oo markii dambe dabka uu si xoogan ugu faafay qeybo badan oo kamid ah suuqa

Howlaha dabdamiska ah ayaa waxaa ka qeyb qaatay Gaadidka dabdamiska ah ee Dowlada Hoose Xamar, Shirkada Hormuud, AMISSOM iyo dadweyna aad u tira badan, iyadoo Guddoomiyaha Gobalka banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho iyo Saraakisha ciidmada qalabka sida ay bilaabeen iney badbaadiyaan hantida ku gubaneysa Suuqa weyn ee degmada Wadajir.

Related posts

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo siyaasadda ee Degmada Wadajir Abuukar Sheekh Axmed Cadow ayaa sheegay in dabka uu ka kacay qeybta qalabka dhismaha ee Suuqa Wadajir, taasi oo keentay in uu ku faafo inta kale ee suuqa.

Agaasimaha Dab-damiska Dowladda Hoose ee Xamar Cabdulaahi Saney ayaa tilmaamay in dabkan ka kacay Suuqa weyn ee Degmada Wadajir uu yahay kii ugu weynaa ee sanadkan ka kacay magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xusen Jimcaale oo halkaasi kahadlay waxa uu ku baaqay in loo gurmado dadka Soomaliyed ee hanta dooda ku basbeyshay dabka ka kacay Suuqa weyn ee degmada Wadajir.

Koox si gaar ah u tababaran oo dabdamis ah ayaa ka howl galayay halka uu dabka ka socday, waxaana ay dhiira gelin xoogan ka helayen dadweynaha ku sugnaa nawaaxiga uu dabka ka socday, kuwaasi oo markii dambe ku guuleystay inay dabka damiyaan.

 

 

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Faaqidaada ee Radio Muqdisho

Next Post

Isbitaalka laansareeti oo lagu soo kordhiyay qeybta daryeelka hooyada iyo dhallaanka

Next Post
Muqdisho oo marti gelineysa shirka IGAD iyo ammaanka oo aad loo adkeeyay

Isbitaalka laansareeti oo lagu soo kordhiyay qeybta daryeelka hooyada iyo dhallaanka

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

April 2, 2026
0

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee (GANHRI), oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Geneva, ayaa...

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

April 2, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta soo gebagabeeyey aqoon isweydaarsi ku saabsan Qiimeynta Khatarta Musuqmaasuqa, kaas oo socday muddadii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In