Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Gobolka Hiiraan oo xarigga ka jaray Saldhig Boolis oo laga hirgeliyay Baladweyne

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Maamulka Gobolka Hiiraan oo xarigga ka jaray Saldhig Boolis oo laga hirgeliyay Baladweyne
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Hiiraan Mudane Cabdiraxiin Muxumed Taakooy, ayaa xarigga ka jaray Saldhig Boolis oo laga hirgeliyay magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka.

 

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Saldhiggan oo laga hirgeliyay Xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Baladweyne ayaa saddexdii bil ee ugu dambeysay waxaa ku soconayay dhismo iyo dayactir ay ka wadeen howl-galka AMISOM iyo Maamulka Gobolka Hiiraan.

Guddoomiye ,Taakooy, ayaa ugu mahad celiyay AMISOM iyo Dadka degaanka oo gacan ka geystay taabagelinta howshan, wuxuuna sheegay in ay soo dhoweynayaan sida habsamida leh ee ay shaqadu kusoo dhamaatay, wixii haatan ka dambeeyana ay shacabka siin karaan adeegyo tayo leh.

“Waxaan ku faraxsannahay in shaqada dayactirka la dhammeystiray iyadoo wixii hadda ka dambeeyana ay Saraakiisheenu siin karaan adeegyo tayo leh dadka Degaanka,” ayuu yiri Guddoomiye Taakooy.

Wuxuu sheegay in ay magaaladu si dhaqsa ah u fideyso, horayna ay u lahayd oo keliya hal Saldhig oo ku yaalla Xaafada Kooshin, Kororka Bulshada awgeedna loo baahan yahay Saldhigyo kale.

Isku duwaha Booliska AMISOM, ee arrimaha dib u dhiska, Maxwell Chikunguru, ayaa sheegay in howlaha dib u dhiska iyo dacay-tirka ah ee ay wadaan ay mudan tahay in lagu taageero, si loo soo celiyo tayadii Booliska Soomaaliyeed.

 

 

Previous Post

Fursado Shaqo oo ka banaan Wasaaradda Arrimaha Dibada.

Next Post

Saraakiil loo xiray tacaddiyo loo geystay Suxufiyiin

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Saraakiil loo xiray tacaddiyo loo geystay Suxufiyiin

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In