Sunday, November 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Gobolka Hiiraan oo xarigga ka jaray Saldhig Boolis oo laga hirgeliyay Baladweyne

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Maamulka Gobolka Hiiraan oo xarigga ka jaray Saldhig Boolis oo laga hirgeliyay Baladweyne
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Hiiraan Mudane Cabdiraxiin Muxumed Taakooy, ayaa xarigga ka jaray Saldhig Boolis oo laga hirgeliyay magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka.

 

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Saldhiggan oo laga hirgeliyay Xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Baladweyne ayaa saddexdii bil ee ugu dambeysay waxaa ku soconayay dhismo iyo dayactir ay ka wadeen howl-galka AMISOM iyo Maamulka Gobolka Hiiraan.

Guddoomiye ,Taakooy, ayaa ugu mahad celiyay AMISOM iyo Dadka degaanka oo gacan ka geystay taabagelinta howshan, wuxuuna sheegay in ay soo dhoweynayaan sida habsamida leh ee ay shaqadu kusoo dhamaatay, wixii haatan ka dambeeyana ay shacabka siin karaan adeegyo tayo leh.

“Waxaan ku faraxsannahay in shaqada dayactirka la dhammeystiray iyadoo wixii hadda ka dambeeyana ay Saraakiisheenu siin karaan adeegyo tayo leh dadka Degaanka,” ayuu yiri Guddoomiye Taakooy.

Wuxuu sheegay in ay magaaladu si dhaqsa ah u fideyso, horayna ay u lahayd oo keliya hal Saldhig oo ku yaalla Xaafada Kooshin, Kororka Bulshada awgeedna loo baahan yahay Saldhigyo kale.

Isku duwaha Booliska AMISOM, ee arrimaha dib u dhiska, Maxwell Chikunguru, ayaa sheegay in howlaha dib u dhiska iyo dacay-tirka ah ee ay wadaan ay mudan tahay in lagu taageero, si loo soo celiyo tayadii Booliska Soomaaliyeed.

 

 

Previous Post

Fursado Shaqo oo ka banaan Wasaaradda Arrimaha Dibada.

Next Post

Saraakiil loo xiray tacaddiyo loo geystay Suxufiyiin

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Saraakiil loo xiray tacaddiyo loo geystay Suxufiyiin

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In