Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka gobolka oo ganaaxay ganacsato waddooyinka qashin ku soo daadiyay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Maamulka gobolka oo ganaaxay ganacsato waddooyinka qashin ku soo daadiyay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta ganaax dul dhigay ganacsato lagu helay dambiyo la xiriira dhanka nadaafadda caasimadda, kaddib markii lagu eedeeyay in ay qeyb ka ahaayeen dadka nadaafadda darrida abuuraya.

Ganacsatadani ganaaxa lagu fuliyay oo gaaraya ku dhawaad lix dukaan oo ku xad gudbay bilicda wadda isku xirta Ex-kontorl Afgooye iyo isgoyska No 4,  ilaa wadada Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho  aya qashin soo dhigay wadooyinkaasi aan kor kusoo xusnay, iyadoo Maamulka Dowlada Hoose ee Xamar uu ugu danbeyn ku fliyay ganaax kala Duwan,

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Sidoo kale dadka ganaaxa lagu fuliyay waxaa kamid ahaa qaar kamid ah Milkiilayaasha gawaarida gaar ahaan kuwa  lagu dhaqo hareera wadooyinka oo ka qeyb qaata nadaafad darida wadooyinka dib loo hagaajiyay,

Afhayeenka Maamulka gobalka Banaadir Cabdifitax Cumar Xalane oo warbaahinta kula hadlay wadada Maka Al Mukarama ayaa sheegay in digniin horey loogu jeediyay ganacsatada iyo bulshada, isla markaana ay iminka go’aansadeen in ganax adag laga qaado dadkii qashinka ku soo shubay waddada Maka Al-mukarama oo u dhexeysa 100,000 boqol kun oo shilin Soomaali ah ilaa iyo shan boqol oo kun.

Sidoo kale Agaasimaha Nadaafada ee Dowlada Hoose ee Xamar Cabdicaziis Goodax Barre  waxa uu sheegay in cidkasto oo ku xadgudubta bilicda magaalada ay la kulmi doonto Ganaax adag, isagoo markale ka digay in qashinka lagu soo shubo waddooyinka caasimadda.

Taliye-ku-xigeenka  ciidanka ilaalada deeganka Xamar Axmed Xuseen Mahdi ayaa sheegay  in ciidanka ilaalada deeganka Xamar ay markaste koormeeri doonan wadooyinka magaalada, isla markaana ganacsatadii ama shaqsiyaadkii lagu arka in uu nadaafad dari wado uu Taliska tallaaba ka qaadi doono.

IMG_9452 IMG_9453 IMG_9455 IMG_9456 IMG_9459 IMG_9468 IMG_9469 IMG_9470 IMG_9475 IMG_9476 IMG_9480 IMG_9485 IMG_9486 IMG_9487 IMG_9490 IMG_9492 IMG_9497

Previous Post

Deeq ari ah oo la gaarsiiyey qaxootiga Yemen ka soo jeeda ee ku sugan Qardho “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In