Munasabada kooban oo lagu qabtay xarunta Isbitaalka magalada Barawe ayaa waxaa deeq daawo ah lagu wareejiyay mamulka Isbitaalka degmada Baraawe si loogu daweeyo bukanada jiifa isbitaalka degmada, waxana munaasabadda goob joog ka ahaa Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Koonfurgalbeed ahna Guddomiyah Guddiga abaaraha Koonfurgalbeed, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose, Guddomiyaha degmada Barawe, waxaana deeqda daawada ah ka timid Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiiboyinka Xukuumadda Soomaaliya.
Guddoomiyaha degmada Baraawe Aadan Cumar ayaa u mahadceliyay Wasaaradda gar gaarka ee dawadaan soo garsisay, isagoo sheegay in deeqdan ay ku soo aaday xilli baahi weyn loo qabay.
Agaasimaha isbitalka Degmada Barawe Cabdalla Cabdiraxmaan Nuurani ayaa ka guddomiyay mas’uuliyin deeqda daawada ah, waxaana uu carabka ku adkeeyay in daawada loogu adeegi doono si siman bukaanada isbitaalka ku jirta.
Dhanka Kale Deeeq raashin ah oo ka timid Wasaaradda Gargaarka Soomaaliya ayaa maanta loo qeybiyaay qoysas danyar ah oo gaaraya 750 qoys kuna sugan magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose
Goobta lagu qeybinayay rashinka ayaa waxaa ku sugnaaa Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose, Wasiirka Xanaaanada Xoolaha Koonfurgalbeed ahna Guddoomiyha Guddiga Abaraha Koonfurgalbeed iyo maamulka degmada Baraawe
Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose Ibraaahim Aadan Cali Najax ayaa u mahadceliyay Wasaradda Gargaarka iyo Maareynta musiiboyinka ee deeqdan soo garsiyay dadka ay abaartu saameysay, isagoo u mahadceliyay hey’adaha ammaanka ee ka qeybqaatay gaarsiinta raashinka dadka ay abaartu samesay
Wasiirka Wasaaradda Xanaanda Xoolaha Koonfurgalbeed Madoobe Nuunow Maxamed ayaa shegay in raashinka la gaarsiyay dadkii loogu talagalay.
W/D. Maxamed Cali Cumar Jubba