Wednesday, January 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Jubbaland oo mamnuucay in shirar loo aado goobaha Shabaabku joogaan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Magaalada Balad Xaawo oo Hormar  dhanka Ganacsiga iyo Amaanka ah Sameysyay+Warbixin
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Aminga ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland iyo Maamulka Degmada Bardheere ee Gobalka Gedo ayaa mamnuucay in dadka wada shaqeynta la leh argagixisada Al-Shabaab inay ka noolaadaan deegaanno uu gacanta ku hayo Maamulka.

 

Related posts

Taliska Booliska Oo Soo Saaray Digniin Ka Dhan Ah Been Abuur Ku Saabsan Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020

Taliska Booliska oo war ka soo saaay fowdo ka dhacday Deyniile

January 7, 2026
Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

January 6, 2026

Shir Jaar’id oo ay si wada jir ah u qabteen  Maamulka ayay ku mamnuuceen dadka wadashaqaynta la leh kooxda Nabadiidka gaar ahaan Odayaasha dhaqanka oo mararka qaar shirar u aada Degaanada Al-Shabab aysan dib ugu soo laaban karin magaalada, waxaana ay u jeediyeen digniin ah in dadku aysan shirar u aadi karin goobaha argagixisadu joogto.

Cumar Ibraahim Aadan Madaxa Maaliyadda ee Maamulka ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen labo shabakadood oo maleeshiyada u qaabilsanaa dhanka dilalka iyo qaraxyada, isagoo xusay iny 5 ruux oo ka tirsan shabakadaas gacanta lagu hayo.

Wasiiru dowlaha amniga ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamed Cabdi Kaliil ayaa hoosta ka xariiqay in Odoyaasha Nabadoona ee goobaha Shababku joogaan ee shirarka ugu aada in maanta kadib aysan dib ugu soo laaba karin  magaalada Baardheere, waxaaa uu odoyaasha uga digay inay shirar u aadaan goobaha Shabaabku joogaan.

“Waxaan ku guuleysanayay in aan gacanta ku dhigno labo shabakadood oo kala ah kuwa madax jibiska u qaabilsan iyo kuwa qaraxyada maleega, waxa ay qirteen inay falalka loo heysto ay ka fuliyaan gudaha Baardheere, haatan waxaa la marsiin doonaa waxa uu sharciga ka qabo” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha Amniga.

Previous Post

Ciidamada amniga oo gacanta ku dhigay horjooge ka tirsan Al-Shabaab

Next Post

Mareykanka oo canshuur dheeraad ah saaraya badeecadaha dalka China

Next Post
Mareykanka oo canshuur dheeraad ah saaraya badeecadaha dalka China

Mareykanka oo canshuur dheeraad ah saaraya badeecadaha dalka China

Taliska Booliska Oo Soo Saaray Digniin Ka Dhan Ah Been Abuur Ku Saabsan Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020

Taliska Booliska oo war ka soo saaay fowdo ka dhacday Deyniile

January 7, 2026
0

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuu Bulshada Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in maanta oo ay Taariikhdu tahay 06-01-2026 Abaaro 10:55am Subaxnimo Xaafad...

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

January 6, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa booqasho shaqo ku tagay Degaanka Gandarshe oo Khawaarijta dhibaato weyn...

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

January 6, 2026
0

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, iyo Sheekh Shakhboot bin Nahyan Al Nahyan, Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Isu-tagga Imaaraadka...

Golaha Nabadda ee Midowga Afrika oo si adag u cambaareeyay xadgudubka Israiil

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika oo saaray bayaan ka dhan ah xadgudubka Israiiil ee dalkeenna

January 6, 2026
0

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa soo saaray bayaan ka kooban dhowr qodob. Goluhu wuxuu si adag uga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In