Thursday, April 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Maamulka Koonfur Gaalbeed oo Haweenka ku wacyi gelinaya ka qayb qaadashada Golaha Degaanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Maamulka Koonfur Gaalbeed oo Haweenka ku wacyi gelinaya ka qayb qaadashada Golaha Degaanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan lagu wacyi gelinayay Haweenka degaannada Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay Magaalada baydhabo oo xarun ku meel gaar u ah maamulkaasi.

Kulankan oo ay si wada jir ah usoo qaban qaabiyeen Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Dowladaha hoose ee Koofur Galbeed iyo hay’adda Somali One ayaa lagu gorfeeyay sida ugu habboon ee ay Haweenku door lixaad leh uga qaadan karaan dhismaha golaha degaanka.

Related posts

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026

Haweenka ka qayb galay munaasabaddaasi oo ka kala yimid Magaalooyinka Baydhaba iyo Baraawe ayaa waxay isku dhaafsadeen aaraah la xiriirta doorta firfircoon ee ay bulshadu kaga jiraan Haweenka iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay inay ka muuqdaan metelaadda shacabkooda.

Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee maamulka koofur galbeed Cumar Maxamed Macallin ayaa ugu horreeyn u mahad celiyay ciddii ka gacan siisay barnaamijkan, wuxuuna si weyn ugu boorriyay Dumarku inay kaalintooda bannaanka soo dhigaan isla markaana ay qaataan kaalintooda kaga aaddan hagidda Bulshadooda.

Qaar ka mid ah Gabdhihii ka soo qeybgaley kulanka ayaa sheegay in Haweenka ay kaalintooda kasoo dhalaali doonaan, door libaaxna ay ka qaadan doonaan dhimaha golayaasha degaanka, si weyna ugu muuqan doonaan xildhibaannada lasoo dhisi doono dhawaan.

Kulankan wada tashiga Geeddi socodka  hannaanka dhismaha Golaha degaanka Degmooyinka Baraawe iyo Baydhabo ayaa waxaa uu qayb ka yahay shirar  Joogta ah oo wasaarada arrimaha gudaha iyo hay ‘adda Somali one ay si wadajir ah uga qaban doonaan qaybaha bulshada rayidka ee Degmooyinka Baraawe iyo Baydhabo .

Previous Post

Shirka Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka oo ka furmay Garoowe “SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay Wafdi ka socday Baarlamaanka Puntland

Next Post
Guddoomiye Jawaari: Baarlamaannada Afrika waxay isku raaceen wax u qabashada dhallinyarada”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay Wafdi ka socday Baarlamaanka Puntland

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

April 2, 2026
0

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee (GANHRI), oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Geneva, ayaa...

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

April 2, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta soo gebagabeeyey aqoon isweydaarsi ku saabsan Qiimeynta Khatarta Musuqmaasuqa, kaas oo socday muddadii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In