Sunday, October 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Koonfur galbeed ee Soomaaliya oo dib u howlgeliyay garoonka N0 50 “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Maamulka Koonfur galbeed ee Soomaaliya oo dib u howlgeliyay garoonka N0 50 “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta dib u howlgeliyay garoonka N0 50 ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasi uu si rasmi ah u furay Wasiirka Gaadiidka ee Maamulka K/galbeed Mudane Cabdullaai Black, isagoo shaaciyay in wixii hadda ka dambeeya uu garoonka furanyahay.

Munaasabadii lagu furayay garoonka N0 50 waxaa qeyb galay Wasiir, Wasiir ku-xigeenno, Guddoomiyaha Degmada Marka, saraakiil ka tirsan ciidanka AMISOM iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeyb galay dib u howlgelinta garoonka diyaaradaha ee deegaanka N0 50, kaasi oo qeyb ka noqonaya garoomada diyaaradaha ee ay maamulaan maamulka Koonfur galbeed ee Soomaaliya.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

October 3, 2026
Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

October 3, 2026

Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Cabdiqaadir Nadaara oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in wixii maanta ka dambeeya uu furanyahay garoonka deegaanka N0 50, isagoo intaa ku daray in ganacsatada

“Wasiirka gaadiidka waxa uu sheegay in garoonka N0 50 uu u furanyahay ganacsatada, isla markaana uu ka midyahay garoomada diyaaradaha ee hoos imaanaya Maamulka Koonfur galbeed ee dalka, waxaa iminka socoto howlo dib u dayactir lagu sameynayo garoonka diyaaradaha ee magaalada Baraawe, kii Baydhabo sidoo kale dib u dayactir ayaa lagu sameynayaa, marka maamulka waxaa ka go’an dib u howgelinta garoomada diyaaradaha” ayuu yiri Afhayeenka Mamaulkaasi./.

Cabdiqaadir Nadaara ayaa xusay in maamulka Koonfur galbeed ee dalka uu ku guuleystay xalinta dagaallo ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, taasina ay keentay in maanta dib loo howlgeliyo garoonka diyaaradaha N0 50 oo in ka badan 10 sano xirnaa.

Afhayeeenka Maamulka Koonfur galbeed ee Soomaaliya ayaa tilmaamay in dhawaan ay deegaannada fara ku tiriska ah laga saari doono maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyagoo kaashanaya ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, isagoo intaa ku daray in Dowladda Koonfur galbeed ay ku howlantahay arrimaha dib u heshiisiinta.

20150517_143715_resized 20150517_143721_resized 20150517_143737_resized 20150517_143853_resized 20150517_144237_resized

Previous Post

C/raxmaan Jeylaani oo Indhaha loo fiiqay iyo  Xil Dhuxulow oo caawiyey ardeygaasi (Sawirro)

Next Post

Ka Qeyb Qaado Badbaadinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen ku sugan+Sawirro

Next Post
Ka Qeyb Qaado Badbaadinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen ku sugan+Sawirro

Ka Qeyb Qaado Badbaadinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen ku sugan+Sawirro

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

October 3, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Al-calameyn ee dalka Masar kaga qaybgalay Madasha Ganacsiga Alcalamayn–Afrika, oo...

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

October 3, 2026
0

Eedeysane Dable Booliska Nuur Ibraahim Sahal, ayaa lagu soo eedeyay dembiga ah dil kas ah oo uu u geeystay Marxuum...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS waxay si adag u cambaareyneysaa weerarka lagu qaaday xarun koronto...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In