Wasiirrada Wasaaradaha Amniga, Cadaaladda, Qorshaynta, Wasiirru-dowlaha Madaxtooyada iyo Agaasimayaal ayaa xarunta Madaxtooyada maamulka koofur galbeed ee Baydhabo ku qaabilay wafdi ka socda hay’adda IOM ee Soomaaliya.
Kulan saacado qaatay oo ay yeesheen Wasiirrada iyo Madax ka tirsan hay’adda IOM ee Soomaaliya ayaa looga hadlay dardar gelinta mashruuca nabadda, kaas oo socon doona muddo todoba sano ah.